Madaxwayne ku Xigenka Somaliland md Cabdiraxman CabdiLaahi Ismaacil Saylici ayaa Xadhiga ka Jaray Kawaan Cusub Oo casri ah oo Lagu Qali-Doono Xoolaha

kkNov 28.2013 Burco(SM)Madaxwayne ku Xigenka Somaliland md Cabdiraxman CabdiLaahi Ismaacil Saylici ayaa Xadhiga ka Jaray Kawaan Cusub Oo casri ah oo Lagu Qali-Doono Xoolaha Kaasi Oo Laga Hirgaliyay Gudaha Magalada burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Kawaankan Lagu qali doono Xoolaha ayaa ah mid qalabaysan Qaab Casri ah, Munaasibad baladhan Oo Loo Sameyay Xadhig ka Jaristiisa Waxa ka soo qayb galay oo madaxwayne ku xigeenka ku wehelinayey wasiirada wasaaradaha Beeraha,xanaanada xoolaha iyo waliba masuuliyiin kale ,ayadoo aanay u kala hadhin masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Togdheer,waxgaradka Gobolkaasi iyo dadwayne aad u farabadan.

Ugu Horaynba Waxa Munaasibadaasi ka hadlay Maayirka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) Waxaanu Sharaxaad ka bixiyay Qaabka uu u dhisan Yahay Kawaankani iyo Waliba Qaabka uu u shaqayn doono kawaankani waxanuu yidhi ” Waxaan la Wareegaynaa Kawaan Casri ah Oo Lagu Qali-Doono Xoolaha Nool Oo ay Dhistay Haayada Calamiga ah Ee FOA,Runtii Aad iyo Aad ayaanu uga Mahad Celinaynaa Kawaankani Casriga ah,Waxaan Cadaynayaa inuu Kawaankani Yahay midka Ugu Casrisan Kawaanada ka Jira Somaliland,Dowlad Hoose ahaana Waxaanu Diyaar u Nahay in Aanu Dhankayaga ka Howlgalno Sidii Uu Kawaankani u Noqon-Lahaa Mid Caalamiya” Ayuu Yidhi Maayir Muraad.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi ka hadlay isla markaana u soo jeediyey bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer u soo jeediyey in ay ka faa`idaystaan kawaankan cusub ee loo dhisay isla markaana ay ilaashadaan.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka hadlay wasiirka xanaanada xoolaha ,Gudoomiyaha Gobolka Togdheer,masuuliyiin ku hadlayey afka hay`addihii gacanta wayn ka gaystay dhismahan kawaankan casriga ah.

Salaanmedia/Hargaysa