Madaxweynaha Somaliand Oo Saxeexay Mucaawino Heshiis Oo Dhan 52 Milyan Dollar Oo Somaliland Ka Taageeraya Dhinacyada Horumarka Iyo Dhaqaalaha + SAWIRRO

 Madaxweynaha Somaliand Oo Saxeexay Mucaawino Heshiis Oo Dhan 52 Milyan Dollar Oo Somaliland Ka Taageeraya Dhinacyada Horumarka Iyo Dhaqaalaha + SAWIRRO

34789Nov 28,2013 Hargeysa(SM)- Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa maanta Madaxtoooyadda ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socday dalalka Ingiriiska iyo Denmerka kuwaasi oo ahaa safiirada u kala qaabilsan labadaasi dal ee Itoobiya iyo Kenya.

Madaxweynaha iyo labaasi Safiir ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan Mucaawino ay soomaliland ugu deeqen Dalalka Ingiriiska iyo Denmark, kaasi oo si toos ah dawlada Somaliland Qasnadeeda loogu soo shubidoono iyada oo la sheegay in wasarada Maaliyadda ay maamulidoonto.

Kulankaasi Madaxweynaha Somaliland iyo Labada Safiir ay ku kala Saxeexanayeen Siddii Somaliland loo caawin lahaa ayaa Waxa Madaxweynaha ku wahelinayey Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Md.Xirsi Xaaji Cali Xassan.

 Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siillanyo oo ugu horeyan Waftigaasi hadal soo dhaweyn ah u jeediyey ayaa uga mahad naqay sidda ay Somaliland ula garab taagan yihiin Taageerada dhinac walba, waxaanu xusayn in labada Dale e Ingiirska iyo Denmark ay Somaliland leeyihiin Xidhiidh Saaxiibtinimo oo aad u fiican.

Dr.Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka Bixiyey halka ay ku bixi doonto Lacagta Somaliland lagu caawiyey “Sanduuqan waxa la yidhadaa Sanduuqa Horumarka Somaliland waxaana iska kaashaday Labbada Dal ee Ingiriiska iyo Denmerk Sanduuqani waxa uu ku biloowday 52Milayn oo Dollar, marka Dawlada Ing

 

Salaanmedia/ Hargeysa office