Madaxweynaha Somaliya oo caawa ka hadlay xiisada ka soo cusboonaatay Degmada Taleex

madaxweynaha somalia

Madaxweynaha Dowladda   Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu caawa ka hadlay dagaalada iyo xiisada ka soo cusboonaaday Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa sheegay in uu ka xun yahay dagaalada khasaaraha geystay ee ka dhacay Degmada Taleex, wuxuuna ku baaqay in xal deg deg ah laga gaaro dagaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in wixii la kala tabanaayo lagu dhameeyo wada hadal, kadib markii uu sheegay in dagaal ku saleysan Siyaasad, aan wax xal ah lagu gaari karin.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu soo hadalqaaday dagaal beeleedyada ka jira Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyana wuxuu ku baaqay in la joojiyo.

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inaan loo baahneyn in shacabka Somaliyeed, ay maanta dhexdooda is ugaarsadaan, waxaana loo baahan yahay buu yiri in laga gudbo.

Haddii ay wada dagaalamaan beelo Somaliyeed, ayuu tilmaamay in ay ku dhimanayaan oo kaliya wiilashii Soomaaliyeed, taasina aysan wax dan ah ugu jirin sida uu yiri dadka Somaliyeed.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu caawa hadalkaan ka sheegay Munaasabad baroordiiq ahayd, oo Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia loogu sameeyay marxuum Amb. Axmed Maxamed Aadan “Qaybe”. Oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Salaanmedia/Mogdisho