Madaxweyne ku-xigeenka Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN oo xabsiga laga siidaayay

image

Jabuuti Nov 25,2013(SM)-Guddoomiye ku-xigeenka dalada mucaaridka Jabuuti Md Cumar Cilmi Kheyre ayaa ay xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti ay xabsiga ka sii deysay maalmo ka dib kolkii ay qabatay.

Xukuumada Jabuuti ayaan faahfaahin ka bixin sababta ay xabsiga u dhigtay Mr Kheyre oo ka mid ah halgaamaayadii u solo dagaalamay xoriyada Jabuuti.

Sidoo kale dalada mucaaridka Jabuuti ee USN ayaan ka hadal xadhiga iyo siideynta madaxweyne ku-xigeenkooda.

Hadal heynta u badan ee Guddaha iyo Dibedda dalka Jabuuti ee maalmihii u danbeeyay ayaa ahaa isweyndiinta sababha ay xukuumada Jabuuti xabsiga ku dhigtay Md Cumar Cilmi Kheyre.

Waxa haatan hakad ku yimi wadahadalo mudo u socday xukuumada Jabuuti oo intii wadahadaladu socdeen kolba xabsiga dhigeysay madaxda iyo taageereyaasha mucaaridka Jabuuti.

Salaanmedia/Jabouti