Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Burco Ka Furay Kawaan Ay Ku Baxday Lacag Dhan $1,700,000 Doollar

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay Xadhigga ka jaray Kawaan cusub oo loogu talo-galay gawraca Xoolaha oo laga hirgaliyey magaalada Burco.

 

 

 

Kawaankan oo Hab-casri ah loo dhisay, loona qalabeeyey, dhismihiisuna socday muddo sannad iyo badh ah, ayaa Masuuliyiinta gacanta ku hayey sheegeen waxa ku baxay Lacag dhan $1,700,000 (Hal Milyan iyo Toddoba Boqol oo Kun) oo Doollarka Maraykanka ah, taasoo ay bixisay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FOA, waxaanu noqonayaa Kawaankii labaad ee Noociisa laga sameeyo Dalka, marka laga yimaaddo magaalada Hargeysa oo dhowr sanno ka hor laga hirgeliyey Kawaankan oo kale.

Munaasibadda lagu furay Kawaankan cusub ee Madaxwayne Ku-xigeenku xadhigga ka jaray, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adda Maal-gelisay dhismaha Kawaankan oo ah mid casriya.

 

 

 

Ugu Horayn, waxa Munaasibadaasi ka hadlay Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) oo Sharaxaad ka bixiyay Qaabka uu u dhisan Yahay Kawaankan iyo sida uu u shaqayn doono waxanuu yidhi, “Waxaan la Wareegaynaa Kawaan Casri ah Oo Lagu Qali-Doono Xoolaha Nool Oo ay Dhistay Haayada Calamiga ah Ee FOA. Runtii aad iyo aad ayaanu uga Mahad-celinaynaa Kawaankani Casriga ah,waxaan Cadaynayaa inuu Kawaankani yahay midka Ugu Casrisan Kawaanada ka Jira Somaliland, dawlad Hoose ahaana Waxaanu Diyaar u Nahay in Aanu Dhankayaga ka Howlgalno Sidii Uu Kawaankani u Noqon-Lahaa Mid Caalamiya.”

 

 

 

Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin in magaalada Burco laga hirgeliyo Kawaan casriya oo Xoolaha lagu qalo, isaga oo sheegay in hannaanka loo dhisay uu yahay mid wanaagsan oo nadaafadda Hilibka ka qayb-qaadanaya.

 

 

 

Madaxwayne Ku-xigeenku, wuxuu ammaanay Hay’adda FAO oo bixisay kharashka ku baxay Kawaankan iyo weliba Maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco oo hirgeliyey Mashruucan oo ah mid muhiim u ah dadka ka shaqeysta qalliinka Xoolaha iyo kuwa iibiya ee nolol-maalmeedka kala soo baxa.

 

 

 

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland iyo Masuuliyiinta kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa iyaguna muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin dhammaystirka Kawaankan oo dadka degmada Burco aad u soo dhaweeyeen.

 

 

 

Dhanka kale, Madaxwayne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiinta kale ee halkaas ku sugnaa oo ay ka mid ahaayeen Masuuliyiin Caddaan ah oo ka socday Hay’adda FAO, ayaa la tusay hannaanka ama qaabka loo gowraco Xoolaha, siiba Geela, iyaga oo markaa ka dibna Deecaamiyey ama dhadhamiyey Hilib Geel oo la kariyey intii Xafladdu ka socotay Kawaankaas.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Sltday