Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminyo Oo Caawa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco

saylici1112

Nov 27,2013 Hargaysa(SM)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti Balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa caawa gaadhay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer halkaasi oo sida la sheegay uu xadhiga kaga jarayo mashaariic horumarineed oo laga fuliyay gobolka Tog-dheer.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa xalay ku soo dhaweeyay duleedka magaaladda Burco Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maayarka, Golaha Deegaanka, madaxda laamaha dawladda iyo waxgaradka qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi oo aanu wax ka weydiinay socdaalka madaxweyne Ku xigeenka, ayaa sheegay In booqashadiisu salka ku hayso sidii uu ugu kuurgali lahaa xaaladda guud ee gobolka Togdheer, waxaanu tilmaamay in Madaxweyne Ku xigeenku xadhiga ka jari doono mashaariic kala duwan.

“Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil waxa socdaalkiisa gobolka Togdheer uu la xidhiidhaa sidii uu xog ogaal ugu noqon lahaa xaaladda guud ee gobolka Togdheer, gaar ahaan horumarka iyo adeegyadda kale ee bulshadda. Waxaanu kullamo la yeelan doonaa madaxda laamaha dawladda ee gobolka Togdheer,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolku.

Mr. Xamarje waxa uu intaas ku daray in madaxweyne Ku xigeenku uu furi doono kawaankii ugu weynaa uguna casrisanaa dalka oo laga hirgeliyay magaaladda Burco oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Haay’adda FAO.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirrada Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Wasiirul dawleyaasha wasaaradaha Waxbarashadda iyo madaxtooyada.

Salaanmedia/Burco