Mucaaridku Ha Kala Saaro Siin Iyo Saad!

Mucaarid-nimadu Akhristaw, Xaajadda maqiiq maaha, Muran sii abuur maaha, Maamuuska Calan maaha, Wax mucaarid uun maaha, Waan masuugayaa Maaha, Muruq iyo is waal maaha, Meel baas ka ridda maaha, Yaan lagu muquunin uun maaha, sii madax adayg maaha, Marmar-siiyo doon maaha, Muraad-kayga yeel maaha, Waxan maago daa maaha. intaa dabadeed Akhristaw, saaka waxan ku soo kacay, london oo ay shir wadareed ku qabteen xalay Wakiiladda Xusbi-yadda Mucaaridku, iyaka oo ku andacoo-naaya, maamulku Somaliland wax buu kharibay,

 Hadaba “ Siin Iyo Saad Waa La Kala Saaraaye”  illaa xad waan ku raacsa-nahay in la ghilgilo Xukuumadda oo beryahan dambe ka baxaday wadaddii loo jeexay, qarda-jeex iyo indho la’aana wax ku wadda, laakiin akhristaw kuma raacsani talaabdan, ay ku dhawaaqeen, in laga dhigo Mudaaharaad ama sidda ay u sheegeen Banaan bax, micna-hiisu yahay, waxan ka soo hor jeednaa Xukuumadda Somaliland, sababo dhego adkaan ah awgeed-na, waxan ka banaan baxaynaa wadano shisheeye sidda UK , Caasimadiisa London, taa waxan u arkaa in aanay ahayn Mucaarid-nimo ee ay tahay, Somaliland dumin, iyo wixii aan ku diidaayey Kadare ( Waran-cade) oo intii uu yimi  kursiga uu hadda ku fadhiyo, ay wax waliba ay sii xumaadeen,Sidaas oo ay tahay, kuwa ku taliyey, waxay ka baxeen dhawriddii qadiyadda Somaliland, waxana ay si badheedh ah ugu trunteen Ictiraaf doonistii hal-gankan loogu jirey ee guud, waxana ay ku sifooba-yaan, wixii uu ka hadlaayey Kadare ( waran Cade), ee uu lahaa, qaar ka soo jeedda Somaliland, baa dabadda ka riixaaya ( waa Xusbiyadda Mucaaridka ahe), burburka Somaliland, oo waxa lacag soo siiyey maamulka Somaliya ( oo ah cadawga koowaad ee aynu leenahay), waa Xaqiiq waa cadwga koowaad, laakiin sidda uu Kadare u Cabiray maaha, waxana ugma jireen, min ay adeegsa-deen Ucid iyo Wadani.

Hadaan ku soo noqdo Cinwaanka, Maah-maah Ingiriisi ah baa waxay ina  leedahay Akhristaw “ Family Problem Is Neither A Nation’s Problem, Nor A World Problem” oo ay ula jeedadda loo yidhi ama adeeg-sadaa ay tahay micne ahaan, Arimaha qoysku maaha kuwo qaran iyo aduun ka hadlaan, ee ha loo daayo, qoysku inuu xaaja-diisa isagu xalisho, oo aan lagu faafin meelo aanay wax-ba ka khusayn, waxan u soo qaatay  murtidan shisheeye, waxa weeye, arimaha dhex-deena, ama guda-heena, inoo gaar ah, baan cirka ku sii laalayaa, oo aangacanta ka gelinayaa dad ku neceb, oo inta aad wadid uun u baahan, ma adaa is gawracay, mise cid baad wax yeeshay? ta labaad Ma Axmed Siilaanyo baa Wax khari-baaya baad dlka u deldelaysaa? hadaad Mudaaharaa-dayso, banaan baxayso halkaaga ku dhig waxad rabto, laakiin caalam ban is maqashii-nayaa, waa wixii laga diiday kii waalaa ee Qabo ( Ururkii Xaq Soor ka tirsanaa), ee Xataa Xasan Ciise Jaamac uu ku yidhi kuma jiro anigu hadaad ku kacdid, mudaaharaad debed lagaga dhigo dalkan Somaliland, waayowaxan doono bana ak samayn karaa gudaha, wax ay kuu qaban karaana ma jiraan, kuwa aad is tusaysaa.

Ugu dambayn waxan ku soo xidhay maqaalkan, arinkani wuxu si toos ah uga soo hor jeedda Madax banaanidda iyo qaran-nimadda, gooni isu taagan, jiri-taanka Somaliland,  waxana aad ku waayi doon-taan, haddii aad ku kacdaan taageeradad Ummadda Somaliland ee idin soo saartay, taas oo aan Anigani ( Abdi-Shotaly) ugu horeeyo, waa xaaraan maqdac ah, in nin wax doonayaa, uu ku kaco talaabooyin ka dhan ah ( si kaste oo ay tahay-ba) doorashadda Shicibka dib ula soo noqday Xoriyaddii ay ka haleeyeenkuwii lixdankii Cabaad-dheere-nimadda ku gawracay, gobanimaddii ay ka qaateen Boqor-tooyadda Ingiriiska, waxan ku8 soo dabray, way idin fiirsa-naysaa oo indhaha bay ku soo kala haysaa Ummadda Reer somaliland meel ay joogto-ba, halka ay ku damabyso, ee aad ula dhaqaaq-daan, waana ta ku xidhan aayahiina, ku saabsan kursi u loolanka madaxnimo, kolbana sidda aad ka yeeshaan, arinkan iyo wixii la mid ah baa damaciinu ku xidhan yahay, waa digniin, waayo maaha Siilanayo ku xumayn, ee waa qaran diid, ee kala cadaysta?, hadal isaga baa iska yare.

,

* N.B Mucaarid-nimadu:-  Marmar-Siiyo Doon Maaha, Muraad-Kayga Yeel Maaha,

                                         Waxan Maago Daa Maaha, Sii Madax Adayg Maaha!

Abdi shotaly,