Muse Biixi Oo Guulwadeyn Kula Kufay Gudoomiyaha Wakiilada ( A/rahman Ciro ) Abdi Mustafe

Khudbadii Muuse Biixi ee Ohio USA

Si mug le ayaan idiin salaamayaa warbaahinta xorta ah ee shcicibka Somaliland daryeesha
Muse Biixi oo guulwadeyn kula kufay Gudoomiyaha wakiilada.
Musow nin baa gabadh yar qabay oo wax ka dhali waayey mudo dheer. Maalin danbe ayaa reer kii col galay. Isaga oo qori la cararaya ayey sodohdi aragtey. Waar xageed ku carareysaa bay tidhi. Wuxuu yidhi dagaalka ayaan gelayaa. Waar naga fadhiiso bay tidhi adiga hawl kale ayaa kuu taale.

Muse Biixi hawl kale oo ah in uu xalaaleeyo gudoomiya nimada Kulmiye ayaa u taal inta uu is leeyey Silaanyo ayaa Samaale kaaga hiiliyey ee adna guulwadee oo tus in aad shirka Qaran diidantey.
Muse hadaad damiir Leedey maalintii Samaale lagugu soo ciyaar siiyey ayaad Kulmiye ka bixi lahayd. Hadaad wax kala garaneyso ina Cabdilqaadir maalintii shirka dibada looga tuurey wuxuu yidhi oo uu kuu sheegey, Aniga Siilaanyo wax baannu isku qabanay ee adiga Musow wuu ku necebyey. Taana miyaad wax ku qaadan weydey.

Suleiman Gaal isna wuxuu kuu sheegey inay Samaale kaa reebayaan laakiin aanay mid danbe oo gudoomiye nimada kula doonto aanay diyaar u ahayn in ay kaa reebaan….Taas macnaheedu waxa weeye isma ogid ee cid kale ayaa laguu sameynayaa oo daaqada kaala baxda oo weliba aanad caban karin ileyn kii hore ayaa lagaa reebay e.

Muse Biixi isma oga ee reer ka uu ka soo jeedaana ma jecla somalida inta kalena afkiisa ayuu eeday oo isaga ayaa is wada nac siiyey. Maalintaad Suleiman Gaal ergada uugu tagtey eed lahayd Samaale iga reeba ayaad odhan lahayd Siilaanyo iyaga reeba in aannu isa soo sharixin waa doorkii reer kayaga e…Nasiib daro reer aad ku tiir sato oo ku ogol ayaan jirin ee waa midh meesha ku jiri lahaa hadii kale waxa cadaan lahayd in siilaanyana aannu soo baxeen haduu ku diidi lahaa oo tol ku raacsan oo ka dareera heysan lahayd.

Muse isma ogid ee dukaan nin kale leeyey ayaad sii heysaa oo aanad ilaa iminka is ogayn in aan meesha waxba kuu ool. Hadaad gudoomiye ku soo baxdo, oo mathalan Silaanyo la doorto, oo hadii geeriyi dayso gabow ayaan deyneyn ee uu shanta danbe dhameysan kari waayo, sow Zeilici kursiga ku ruqaan san maayo. ilaa goorma ayaad sugi…..Weliba cidi ina maqli meyso ee aan dhegta kuu saaro ee doorkan waxa kursiga ku guuleysanaya Wadani ee waxba ha is daalin. Musow guulwadeynta aad wadaa mid meel ku gaadhsiineysa maaha. Shirka soo socda ee dood cilmiyeedka ahna mid adiga iyo silaanyo toona joojin kartaan maaha ee waxba ha ka sasina.

Siiba adigu in aad fara geliso maaha oo xitaa gudoomiye rasmi ah ma tihid ee ilaa hada ku meel gaadh baad tahay. Waxaan ku soo afjarayaa…. Hawl kale ayaa adiga kuu taal ee ha ku khafiifin shir qaran la qaban maayo oo aanad awood aad ku joojiso lahayn. Gudoomiye nimadaa ku mashquul sanow inta ragu madaxweyna u tartamayaan.

Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.ca