Muwaadin taageer Doodda Qaran

Muwaadin taageer Doodda Qaran

Tageero

Muwaadin dooda qaran ee ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka ah i waxa weeye mid lagu dhisayo laguna toosinayo qaladaadka ku jira maamulkeena si uu u  noqdo dalkeenu mid horumar sameeya, waa dood faaiido leh oo lagu casumayo dhamaan dadka wax garadka ah ee ay ka mid yihiin, culimada diinta, waayeelka, aqoonyahanka kale, ardayda dugsiyada iyo jamacadaha, bulshada rayidka ah iyo xukuumaddaba,

 

qodobada lagaga wada hadli doono waxa kamid noqon doona

1) maxaa sababaya TAHRIIBKA sideese loo joojinkaraa

2) maxaa ka khaldan SIYAASADDA ARIMAHA DEBEDDA

3) heerka MUSUQMAASUQA iyo in lays tuso sababaha dhaliyey inay xoogeysatey QABYAALADU iyo sidii looga hor tegi lahaa

4) arimaha horumarinta DIMUQRAADIYADDA iyo MAAMUL WANAAGGA

 

Sidaas awgeed waxan kaa codsanaynaa inad u shaqeyso qaranka oo aad nala taageerto wixii tusaale iyo talo ahna nagusoo biiriso

Isku duubni iyo wada jir ayaynu qaran ku dhisan karnaa

Mahadsanid