OGAYSIIS, SHIRKA WADADA CEERIGAABO EE 16KA NOV2013 KADHACAYA LONDON

Sunday, November 10th, 2013 | Posted by 

OGAYSIIS, SHIRKA WADADA CEERIGAABO EE 16KA NOV2013 KADHACAYA LONDON

 OGEYSIIS

Dhamaanba waxa la ogeysiinayaa dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan waddankan boqortooyada Ingiriiska in laqabandoono shirweyne, kaasoo dhaqaale loogu ururinayo Jidka dheer ee isku xidha Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, shirweynahan waxa lagu qabandoonaa mid ka mid ah. Hoolalka lagu qabto shir qaran, waa gole qaadi kara dad tiro badan, shirkan waxa laqabandoonaa maalin Sabti ah Bishan November ay tahay 16 ka sanadkan 20013 ka, wuxuu bilaab mayaa 3pm ilaa iyo 11pm habeenimo, goobtu waa Bariga London, Cinwaanku waa Troxy Hall, 490 Commercial Road E1 0HX. gaadiidka aad ku iman kartid waxa ugu dhow, Dockland Railway, Lime House Station, iyo Buses ka,115ka, 15ka, D3, Hadaba waxa loogu baaqayaa idil ahaanba dadweynaha dadweynaha Rag iyo Dumar, dhalinyaro iyo waayeel iney si mug leh uga sooqayb galaan kulankan aadka u balaadhan, silootaageero dedaalka dheeraadka ah ee gudihii dalka ka socda, wixii faah faahin ah waxad lasoo xidhiidhi kartaa numberredan hoos ku qoran.Gudoomiyaha Gudida: Axmed Aadan Cumar: 07976409036.
Gudoomiye Ku Xigeenka: Anwar Aadan Maxamed: 07931871966.

Gudida Qabanqabada Shirka.
Waad mahadsantihiin.

SAID HAJI HASSAN