OGAYSIIS: SHIRWEYNIHII XISBIGA WADDANI UK OO KA DHICI DOONA MAGAALADA BIRMINGHAM SABTIDA 30/11/2013.

Waddani

Waxaa sharaf u ah xisbiga Waddani laantiisa UK inay qabsato Shirweynihii Xisbiga ee Laanta UK, kaasoo ka dhici doona Magaalada Birmingham ee Waddankan Ingriiska. Shirweynahan oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qaybgeli doona Madax ka tirsan Xafiiska Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI, Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka S/land iyo Siyaasiyiin ruug cadaa ah.
Shirweynahan oo la filayo inuu noqdo mid aan noociisa hore loo arag ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgeli doona dhamaanba Garabyada kala duwan ee Laamaha Gobolada iyo Degmooyinka Xisbiga WADDANI ee Waddankan UK.

Hadaba Waxaanu dhamaanba Xubnaha Xisbiga, Taageerayaasha Xisbiga iyo Cidkastoo danaynaysa Siyaasada Hufan ee Xisbiga WADDANI ka codsanaynaa inay si mug leh uga soo qayb-galaan shirweynahan. Waxaanuna idinku soo dhoweynaynaa Gacmo Furan iyo Qalbi Furan.

@ Goobta Xafladu waa:

ROYAL SUITE BANQUETING PLACE,
BIRCHFIELD ROAD
B20 3DG
BIRMINGHAM.

@ Wakhtiga Balantuna waa:

SABTI 30/11/2013,
SAACADAHA: 17:00 – 23:00.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com
07572609561
London.