Qaramada Madoobe oo soo jeedisay in la baadho kufsiga gabadha Suxufiyada ah

UN

Qaramada Midoobe, ayaa waxay walaac ku muujisay in xabsi loo geysto, gabadh Suxufiyad ah oo sheegatay in ay kufsadeen Wariye-yaal ka hawlgala Radiyaha Dowladda.

Faaduma C/qaadir, oo ka tirsan Idaacada Codka Haweenka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegatay in ay kufsadeen Suxufiyiin uu ka mid yahay C/casiis Guuleed Afrika, oo ka hawlgala Radio Muqdisho.

Ciidanka Booliska, ayaa toddobaadkaan xabsiga dhigay Faaduma C/qaadir iyo Wariye Maxamed Bashiir Xaashi, oo isna ka hawlgali jiray Idaacadii la xiray ee Shabelle.

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobe, ay ku baaqeyso in baaritaano qoto dheer leh lagu sameeyo kiiskaasi.

Wakiilka, ayaa waxa uu muujiyay kahor inta aan xariga lagula kicin Faaduma C/qaadir, in loo baahnaa in marka hore ay Dowladdu sameyso, waxa ka jira kufsiga ay sheegatay in loo geystay.

Nicholas Kay, ayaa tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay hogaanka u heyso, meelaha ugu badan ee looga hadlo kiisaska la xiriira kufsiga haweenka.

Mr. Kay, ayaa wuxuu hadalkaan ku sheega War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiskiisa