Saleebaan-gaal oo Soo Bandhigay Qoddobo Samaale Soo Gudbiyey Oo Muuse Biixi Awoodda Lagula Qaybsanayo +Mowqifku Hoggaanka Xisbigu Istaagay

image

Hargeysa (SM)- Kulan xaasaasi ah oo  xalay Albaabada Laysugu  xidhay  ayaa lagaga hadlay xiisadda is huursan ee uu ku jiro xisbiga  talada haya ee KULMIYE, kadib   khilaaf  ka dhashay   tallaabooyin xagal daaciyey rejadii Qabsoomida shirweynaha  ay qaadeen  Guddida qabanqaabada   lamagacaabay.

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan MAxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo Siidhi-wade ka noqday dhexdhexaadinta khilaafkan ayaa kulan albaabadu u xidhan yahay oo xalay uu isku soo hor fadhiisiyey labada garab ee utintu dhex martay, waxa uu go’aamo aan la mahadin  uu ku xalliyey  qaddiyaddii  oo qorshihiisu ahaa in uu ku bakhtiiyo dabka huraya.

 

Kulankan oo aan saxaafadda loo ogolaan ayaa dhex maray Gudoomiyaha Guurtida   Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE Iyo garabka taabacsan Wasiirka Maalliyadda Somaliland.

Ka Sokow Saleebaan Gaal iyo Muuse Biixi, Kulankan waxaa xubno ka ahaa sida Wargeyska HUBAAL ku helay  Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed,  Xoghayaha guud ee KULMIYE XAsan Siciid Yuusuf iyo Muj. Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye. Dhinaca kalena waxaa xubno  dhegeystayaal ah ka ahaa oo madasha ka qayb galay   oo Wasiir Cabdicasiis Samaale Wehelinayay  xubno kamid ah Taageerayaasha Taabacsan Siyaasaddiisa oo ay kamid ahaayeen wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw daahir Cali, , Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Xildhibaan Cabdillaahi Black-i iyo  iyo Cabdikariim Axmed Xinif. Sidoo kale waxa kulankaa goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Xubno kale.

Kulankan oo Gudoomiye Saleebaan labada dhinac dhegeystay, ayaa warku xusay in  doodo kulul laysku weydaarsaday, isla markaana lagaga hadlay qodobo ay tunka ku siteen kooxda taabacsan Wasiirka Maaliyada kuwaas oo biyadhacoodu  lix ilaa Toddoba Qoddob ku suntanaa, nuxur ahaanna  dalbanayay  siyaasad ay ku dabrayaan hanka Guddoomiyaha KULMIYE maadaama oo uu ku guulaystay geedna iskaga xidhay in Musharraxoodu (Samaale) kula tartamo Kursiga guddoomiyenimada. Qoddobadaas  ayaa  waxa kamid ahaa:

1.   In Guddida Fulinta ee dhawaan la buuxiyey tiradii ka dhinnayd lagu daro   xubno uu wato Cabdicasiis M. Samaale.

2.   In Gudidii muranku ka dhashay ee qaban qaabada shirweynaha sideedii loo daayo

3.   In Golaha dhexe Sidiisii loo daayo

4.   In guddida Fulinta  oo aan wax is bedel ah lagu samayn.

5.   In Aan lagula tartamin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Musharraxnimada Shirweynaha marka la gaadho

Hase yeeshee dood dheer iyo falanqayn ka dib waxa laysku mari waayay qodobadaa marka laga reebo in Wasiir Samaale lagu daro gudida fulinta ee xisbiga, taas oo ay aqbaleen Hoggaanka Xisbigu.  Balse waxay ganafka ku dhufteen dhammaan qodobada kale ee ay kooxda wasiir samale wateen, waxayna ku doodeen Hoggaanka Xisbigu   in aanay macquul ahayn in wax walba sidoodii loo daayo oo ay dhamaan arrimahaasi yihiin sababta loo doonayo in doorasho dhacdo, ama xisbigu noqdo mid waafaqsan nidaamka dumuqraadiyada ee ay Somaliland qaadatay.

Sdioo kale sida ay sheegayaan xoggaha ka soo baxay kulankaasi, waxay debecsanaan ka muujiyeen qodobka gudida qaban-qaabada shirweynaha oo ay sheegeen in haddii sidoodii loo deynayo la mariyo nidaamka dasuuriga ah oo ay si xor ah isaga doortaan hogaan.

Wararka la xidhiidha kulankaa waxay intaa ku darayaan in markii saacado badan laysku mariwaayay qodobada Wasiir Samaale iyo kooxdiisu wateen lagu kala kacay   iyadoo aan waxba lagu heshiisin, isla markaana labada dhinac qabsan inay muddo kale kulan laysugu yimaado.

Kulanka iyo doodaha labada dhinac ayaa muujinaya in aan weli xal loo hayn qabashada shirweynaha xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka, kaas oo dhowaan markii la magcaabay gudida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga muran iyo khilaaf ka dhashay loolan ka jira xisbiga gudihiisa oo u dhexeeya Wasiirrada awooda badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka xisbiga.

Si kale haddii loo dhigana werwerkan waxa ku siyaado ah Iyadoo xilligii loo muddeeyey qabsoomida shirweynaha ay ka hadhsan tahay oo keliya 30 Habeen oo keliya, taasoo  qorshuhu ahaa in intaan layska soo gaadhin xilliganba qabto hawlo badan oo sugaya dhammaanba xubnaha Xisbiga.

Siyaasadaha hadheeyey Xisbiga iyo Murankan is huursan ee in dhawaydba xisbugu la dhutinayay ayaa Odoros badan oo immika ka hor lagu sameeyey lagaga digay cidhib xumo ka dhalata sharciyadda  xisbiga iyo qaanuunka u yaalla dalkaba, sidaasi oo ay tahay shuruud keliya  ayaa   samatabixin karta jiritaanka xisbiga, taasoo ah in xal degdeg ah laga gaadho khilaafkan iyo loollankan ka dhexeeya xisbiga dhexdiisa isla markaana  culays layska saaro in shirweyanaha xisbigu ku qabsoomo xilligii loo muddeeyey oo ah 25ka bishan inagu soo fool leh ee December, iyadoo natiijo farxad gelisa   xubnaha xisbiga iyo taageerayaashiisaba ay dawo u noqon karto Aayaha dembe ee xisbul xaakimka, haddii kale waxa xalku noqon doonaa sidii hore looga deyriyey oo qaraxa ka yeedhaa waxa uu sababi doonaa  in rukunnada uu ku taagan yahay xisbigu ay kala daataan.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Hubaal