Sarkaal ka tirsanaa Salaama Bank oo galabta lagu dilay Suuqa Bakaaraha

image

Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in galabta lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Salaama Bank, Xaruntiisa Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ninkaan oo lagu magacaabi jiray C/laahi Cumar Xasan “C/laahi Dheere”, ayaa waxay warar kala duwan ka soo baxayaan sida loogu dilay Suuqa Bakaaraha.

Wararka qaar, ayaa waxay sheegayaan in rag bistoolado ku hubeysan oo aan heybtoodu la garaneyn, ay ku toogteen Boosteejada laga raaco gawaarida aadda Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Warar kalana waxay sheegayaan in uu C/laahi Dheere ku dhintay rasaas ay furayn Ciidanka Dowladda, ee ka hawlgala Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Boosteejada gawaarida Kaxda.

Maamulka Salaama Bank, ayaa waxay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dilka C/laahi Dheere, marka laga reebo Saraakiil ka tirsan Salaama Bank, oo sheegay in ay baadhitaano soconayaan.

Saraakiisha ammaanka ee ka hawlgala Suuqa Bakaaraha, ayaa waxay sidoo kale ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dilka Sarkaalka ka tirsanaa Bankiga Salaama.

Salaanmedia/Mogdisho