Siyaasada iyo loolanka ka socda-Puntland-waa in ay Somaliland lug ku lahata,laguna tagera Kursigiisa Madaxweyne Faroole.

Date: Tue, 26 Nov 2013 19:08:14 -0800
MAQAAL

Danta Somaliland aya sidaas ku jirtaa,iyo nabad wada ku noolanshaha mandaqada lagu wada nool-yahay,Madaxweyne Faroole intu xilka hayey colaad badan oo ka dhacda Xuduudka ma jirto,ama wey yartahay,waa Nin og xaqiiqda jirta,iyo Colada Dariska la huriyo- in- aan lagu guuleysan,Aduunka aynu ku noolnahay oo dhan ayey ka jirta in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Siyasadeed hadba Wadamada jaarka-waa- in aad lug ku yeelan kartaa hab Siyaasad iyo dhaqale labadaba,Siyaasadu maha Kaarayal iyo Ciidamo iyo Baaruud is hor dhiga kadibna Lacag aad u badanu ha ku baxdo.

Lacagtaas ayad ku taageeri karta,hadba qofka aad is leedahay waad isku Siyaasad dhawdihiin nabadna waad ku wada noolan kartaan,Danta Somaliland waxay ku jirtaa Madaxweyne Faroole oo la taageero Hiil iyo Hooba,waa tab iyo xeelad Siyaasadeed,hadii ay Xamar koox wadato,Garowe uga noqda Madax,Sababta Hargeysa u diideysa,mid meesha tala maha,waxad se mooda in Hargeysa xiligan ku mashquul yihiin arimo kale iyo dhexdooda,walina dhugan Siyaasada Xamar ay ka leedahay Garoowe.
Raga laga soo abaabulayo Xamar kuligood waa Niman cadawad badan u qaba Somaliland,haday xilka qabtana abuuraya Colaad la isku adeeg san doono Ciidamada iyo Hubka waana aqliga gaaban ee Africa horey ugu socon weydey,Nimankaas loolanka kula jira Faroole halkan kuma soo koobi karo Magacooda,hase ahate maha Niman la isku halyn karo.
Taxadir taxadir taxadir.Xukumada Kulmiye,ha ku mashquulina arimaha yaryar ee ka dhex socda Hargeysa,tabta Siyaasad iyo Mandaqada aad ku nooshiin waa in Warankiinu gaadhi kara Kismaayo,,iska daa Kismaayo maanta Garowe waxa ka socda lama socotaan iyo dheesha Xamar wadato,hadii Xamar ku guuleysato in ay Garowe Faroole kaga adkaadan,hawl sahlan maha,waana Filimka ay watan,idinma lihi lama socotan hase ahate waad ka gaabineysan xaalada Siyaasad,arinkiinuna waa maxa naga galay? ha dhameystan hawshooda,taas haday dhacdana,hubaal weeyan hadhaw in ay adkaan,soo jeed fara badan iyo Buuri-Abu-danbas badana u bahan,,,Daadka soo rogmanaya waa laga sii hor dega,sahay loo sii sameysta dhulka taga la sii dega.
Waa fursad qaaliya,hadii Xamar ku guuleysatana,in ay lug ku lahato Garowe,Filimo badan aya is bedalaya-waxaynu sugnaba waa dheesha iyo xirfada ay Hargeysa ku wajahdo Doorashada Puntland-kheyr.
Khan Maxamed Farax.
Vancouver Canada.