“Somaliland Waxa Ka Go’an In Ay La Shaqayso Genel Energy” Madaxwayne Axmed Siilaanyo

Siilaanyo

(SM:Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay xukuumaddiis ka go’antahay sidii ay ula shaqayn lahayd shirkadda Genel Energy, oo sheegtay inay dalka dib ugu soo laabatay.

 

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kulan uu Arbacadii la yeeshay wefti sare oo shirkadaas ka socday ka dib, waxa bartiisa Twitterka lagu baahiyay inay Somaliland ka caawinayso shirkaddaas sidii looga dhabayn lahaa hirgelinta baadhista shidaalka.

 

 

Hadalka Madaxwaynuhu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo koobnaa ayuu ku yidhi   “Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso Genel Energy”

 

 

Madaxwaynaha oo sii hadlayaa waxa uu intaasi raaciyey “Somaliland waxay ka caawin doontaa fududaynta iyo damaanad qaadka dhammaystirka mashruucan balaadhan”

Salaanmedia/Hargaysa