Suldaanka Guud ee beesha Direed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil oo TACSI u diraaya Marxuum..Cabdiqaadir Aadan Cali Dhuub

INAALILAAHI WAINAALILAAHI RAAJICUUN.

IMG_8440

Suldaanka Guud ee beesha Direed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil oo TACSI u diraaya Xaaskiisa, Caruurtiisa,Eheladii uu ka baxay ,Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan beesha Direed meelkasta oo ay joogaan Marxuum Cabdiqaadir Aadan Cali Dhuub  geerida naxdinta leh ee ku timid Suldaanku waxa uu  ALLAH uga baryayaa in Marxuumka Naxariistii Jano ka waraabiyo.Marxuum  Cabdiqaadir Aadan Cali Dhuub waxa uu ku dhintay qaraxii dhawaan ka dhacay Hotel Maka-Almukarama ee magaaladda Mogdisho…Waxa uu marxuumku ahaa  aqoon yahan aad u gacan qabtay dadka Somalida ah ee ku nool dalka Ingiriiska iyo Somaliba.Soona qabtay xilal badan oo dawlada Somaliya.Waxa uu mar ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida UK.Dhinaca kale waxa uu ka mid ahaa madaxda beesha Direed ee aadka ugu hawlan arinka beesha iyo horumarka degaanka beesha Direedba.

Suldaanka oo ku hadlaya magaca beesha Direed guud ahaan waxa uu  Ilaahay uga baryaynaa Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum  Cabdiqaadir Aadan Cali Dhuub  in uu samir iyo iimaan ka siiyo,isagana janadii fardowsa ka waraabiyo.

AMIIN                  AMIIN                           AMIIN   Â