Taageero Go’aamadii Shirkii Degmada GOOF ee Beesha Cabdalle Xaamud ku mamnuucday Goynta Dhirta, Shidista Dhuxusha iyo ka ganacsigeeda iyo in degaamada beesha oo dhan loo heeganaado ilaalinta degaanka

baaq tageero
Anagoo ka mid ah Qurba jooga UK ee beesha Cabdalle Xaamud ee dedaanka Ceerigaabo, waxaanu taageero udiraynaa go’aamadii beeshu shalay oo Jimce ahayd 22kii November 2013 ay ku gaadhey degaanka Goof.  Go’aankaas oo beeshu ku mamnuucday goynta dhirta iyo kaganacsiga dhuxusha.  Arintaas oo ahayd aafo ku habsatay deegaano badan oo dhulka Soomaalidu degto, xaalufisayna dhuldaaqsimeedkii xoolaha oo ah waxa keliya ee nolosha dadkeenu ku xidhan tahay.
Waxaani Ilaahay uga mahad celinaynaa inuu ina waafajiyey go’aamadaas khayriga ah.  Waxaanu kaloo mahad gaara ucelinaynaa dadka degan degaanka Goof iyo Soolgeriyo ee iyago qaatay go’aankaas, waxaanu kaloo mahad gaar ah ucelinaynaa Cuqaasha beesha, Odayaasha, Culamaa’udiinka, Aqoonyahanka, Saraakiisha iyo Xubnaha golaha degaanka ee beesha.
Waxaanu kaloo mahad gaar ujeedinaynaa dhalinyarada SHAXAN GROUP oo ah kuwa iyagu suurageliyey inuu qabsoomo shirweynahan lagu qaatay go’aamadan, waxaanuna leenahay Ilaahay ha idiinku daro miisaanka xasanaadka hawshaas khayriga ee aad qabateen ee ilaahay idinku ilhaamiyey.
Ugudanbayntii waxaanu SHAXAN GROUP leenahay, Well done, and keep up the good work.
Waxa taageeradan diraya dhamaan dadka hoos ku qoran:
1.  Cabduqaadir Mire Maxamed
2. Yaasiin Maxamed Cabdi Dheere
3. Naasir Cabdi Hurun
4. Axmed Saalax Cali Tulux
5. Cabdi Axmed Cabdi Dheere
6. Cabdikarim Yassin Sheikh Dalmar
7. Mukhtaar Cali Yusuf
8. Maxamed Barre Ducaale
9. Caawiye Jaamac Cabdi Shire
10. Saalax Cabdi Muuse
11. Cabdisamad Cismaan Axmed
12. Mustafe Cali Cabdi dheere
13. Maxamed Xasan Xuseen Geestiir
14. Mahdi Qoor Cabdi Muuse
15. Cabdi Aadan Diiriye
16. Muuse Barre Ducaale
17. Rashiid Yusuf Dhuxul
18. Ahmed Bare Ducaale
19. Kayse Ahmed Farah
20. Muse Bare Ducaale
21. Maxamed Ali Abdi Dheer
22. Cabdirashid  Maxamed Ducaale
23. Mustafe Cabdi Ciise
24. Mustafe Cali Yusuf
Eng Abdi Ahmed Arab
London, UK