Taariikhda Wanaagani Waa Tibaax aan Turxaan lahayn

Axmed Jaamac Gahayr ( QALINMAAL GROUP)

MAQAAL

Waxa hadiyo goor caalamku ku dadaala taariikh dhaxal gala oo uu uga tago dalkiisa , oo la tilmaansado , latixraaco, rikoodh fiican noqoto.

Milicsiga mawduucan ah hogotusaalayn, iyo in qofkastoo bulshadeenu uu yahay toosiye , Tilmaame fiicane ka qayb qaato hogaaminta fiican ee uu hormoodka uu u yahay Madaxweynaheena Axmed Maxamuud maxamed Siilaanyo ee ku dayashada mudan Ayaa tusaale inoogu filan , dhinackast ba ha ahaatee.

Waxa la inooga baahan yahay Rag iyo Dumar , Qofkasta, Qoyskasta, Bulsho kasta in aynu maskaxda adeegsano oo Damiirka fiicani shaqeeyo oo lahaano dad soo jeeda ee aynaan u noqon dad sii jeeda.
Waa inaynu ka qayb qaadano dhinacyada, dhaqalaha, adeegsiga maskaxda , muruqa , Aqoonta , Xirfada ,iyadoo awooda qofkastaba ku jirta ka sha qaysiiyo.
Taasi waxay si dhibyar inoo gaadhsiinaynsaa horumar iyo heerkii aynu ubaahnayba , iyo sidii aynu u yeelan Lahayn aqoonteedii iyo xirfadeediiba.
Taariikhduna way qoraysaa wayna xusaysaa qofkastoo Qarankiisa wax uqabta oo Horumariya oo kaga taga rikoodh fiican oo lama iloobaan ah.
Dadaal la’aan qofna waxba kuma keeno ee dadaal iyo tamar badan buu ku bixiyaa Waxaa inala gudboon in si mug leh uyeelano dad leh taariikhdooda sooyaaleed iyo aqooneedba.
Waxaan kusoo gabagabaynayaa mawduucayga Dadku wax haday wada qabsadaan cidkasta way ka maarmayaan.