TOLAAY REER ISWIIDHANOOW DHANKAAD NAGA XIGTAANBAY DHAXANTU IGAHAYSAA Maqaal ku saabsan wadada cad iyo waxyaabaha ka socda wadanka

Asalaamu caleekum  waraxmatulaahi wa barakaatu
Maqaal ku saabsan wadada cad iyo waxyaabaha kasocda wadanka
caaqil jaamac
 sawirka bidixda Jiif caaqil Xaaji  Jaamac Muuse Abiib iyo Sheekh Xassan

Afkaaga caano lagu qabay adeer  Cali Ibraahin Maxamed .

wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka ahaana  wasiirkii ugu qiimaha badnaa ee soo mary abid dawlada Somaliland, ahna shaqsi qiima wayn kuleh aduunyada khaasantan Afrika siiba wadanka Tanzaania oo goobo taarekheed lagu maamuuso.
Adeer waa wax laga xumaado dawladu inay dadkeedii  ukala eexato oo qaarna wadooyinkoodu cirka iyo dhulk laga caawiyo, qaarna layidhaado shan kiiloo mitir ayaan idiinku deeqnqy .
Hadaba waxaan leeyahay  xabaal iyo ninkeed loo katag  , barbarkay kabaxdaa waa bikayle qaleen, Yaa maalijirayeey,Cidna uma maqna ceelna uma qodna.
 Ninkii garanaya uun baa garanaya halka ay ku dha maato wadadaasi, waxaykudhamaataa janta kundisho waa baladwayne waxaynu dhisikarnaa ilaa Awaare, beelaha inala daga kilkilka shanaadna waxaynu ku dhiirgalidoonaa inuu reerbareer usii dhiibo WAXAA SOO NOQON DOONTA CAMIRNAATII UU DEEGAANKAASI  GAADHAY CAMIRNAANTII UGU SARAYSA  1950 ,1960 ILAA  BILAWGII 1970. haraantiisii markii gawaadhida koonfurta tagoo dhami mari jireen wadada cad.
Fiiro gaara
wanaaga iyo waxqabashada kama xumin wadadda ceerigaabana waxay aniga iila mitahay wadada cad. meelkasta oo dawlada  iyo dadkeenuba wax qabsadaana waan u habalyeynayaa laakiin in bulshadii qaar  hawshii  cidla looga dhaqaaqo , qaarna layidhaado qasnadii iyo deeqihii iyo caawimooyinkii qaadhaanadii anagaa maanta idiin hayna oo laabta loo garaaco lacagtii dawlada ee dadka u dhaxaysayna  sigaara  kooto loogu xidho.Waan ogsoonahay  baaxad kharshka iyo hasha ayleedahay wadada ceerigaabo, waynu ognahay inta ay bulshada dawga cadi la daalaadhacayeen wadada dawgacad oo aan kadhicin ta ceerigaabo  ,Wadada baligubadle  xaaladeeda waynu ognahay.
 laakiin hadna xaqdaro ayaa jirta ay wasiirada qaar
ku kacayaan waayo waxay isku halayn ka haystaa madaxwayne   Axmed M Silaanyo . Wixii kadhacay waynu ogayn EERI BOODHKA hargaysa  lacagta la lunsaday baaxada ay leegtahay.Dadka deegaanku way xishoonayaane magaran la”a musqmaasuqa ku habsaday, hayadaha dawlada wayna ognahay  gawaadhida lixdameeyada ah ee fashlmay markii ay shirkadii  baadaroolka Geneel   magaceeda lagu keenay.
Markii ay  baxday ragii lahaa geersh ku xaraysteen, hadana marka ay soo noqoto halkii hawsha ka bilaabidoonaan.Waxaan leeyahay iska dulqaata dawlad xumi dawlad la”aan ayey dhaantaa.
Dawladu wixii ay qabatay  waa hashii loo igmaday waanay ku mahadsantahay
wixii kadhiman ee himiladeeda ahna waanu ku garabtaaganahay, hayni waa iga intaa hagarina waa iga wala ,wixii aanay hayna loogu dudi maayo ,laakiin ta aan cidika aqbalahayni waa ,
reer jaclaysiga
reero gaara naas nuu jinta
kootooyinka qandaraasyada cidgaara loo xidhayin
Agaasimayaasha reeraha gaarka ah u xidhan
waxsiirada reeraha gaarka u xidhan.
Cadaadiska beelaha gaarka
Mansab laanta beelaha gaarka
SHaqooyinka soo baxa oo garb dad  dagaar lagu siiyo
 qaarna dabayshu ku dhacayso
Cabudhinta saxaafada
Wasiirkii guulwadaynwaayo oo mid guulwadaynaya lagu badalo sida Sacaadatu wasiir DR  xusoon xoog oo ahaanjiray macalinkaygii kimistariga waqtigiisii shaqadiisa qaranka dugsiga (MAXAMUUD AXMED CALI)
  wadanka waa la wada ilaashanayaa nabaduna taa say ku jirtaa.
Laakiin habdhaqankan dawladeenu wadaa ma sii socon nayso, taasoo ah hadaad isoo eegto wadankaa dumaya hadaad wax ii sheegto nabadaa dumaysa hadaa itilmaanto wadankaa dumaya.
Midaan aniga ahayni wax ma aragto, ma maqasho ,ma uriso, taa sina cawaaqib xumada ayleedahay nina loo sheegimaayo.
Shirka wada tashiga waamaxay sababta ay dawladu saska uga qabtaa ma  waxay isleedahay wax laqarinayo ayaa soo bixidoona mashacabkaa wax laga qarinayaa
Ma khiyaamo qaran baa jirta hadii wada tashi qaran ladiiday.
        Maxaa loo igmaday xisbyada macaaradka hadii cid kaliyi uun talinayso, maxaa doorashoonka loogalayey ee malaayiinta lacaga loo kharash garaynaayey, maalayidhaada beel waliba markeeda ha fuusho.
Halaga daayo dawlada kolba reerleeyahay DHABLIBAAX BAY KU FADHIDAA.
 Hadii kale waxaa iman doonta mid TUNKA MAROODIGA KUFADHIDA oo aan cidiba u babac dhigi doonin.
CODSI WALAALAHAYGA
  Beesha bariga burco wax hakabadesho habdhaqanka  beesha iyo  dawlada  hana u la sinaadaan qaranka beelaha kale ee soomaliland
Waxaan ku soo gunaanadaya cadaalada hala ilaaliyo .qaranimadii  kaadi looma soo cabine Dhiigbaa loo soo cabee  ayaanay dhayal la noqonin nina
Wabilaahi tawfii
J/caaqil Xaaji Jaamac Muuse Abiib
Jönköping Sweden
jaamac M Abiib