UJEEDDO: CANBAAREYN…Dagaalka aan macanaha ku dhisneyn ee dadka wax ma garadka ahi ka wadaan Taleex.

UJEEDDO: CANBAAREYN

CANBAAREYN

Jaaliyada Somaliland ee gobolka Jönköping ee dalka Sweden waxa ay aad iyo aad u canbaaraynaysaa dagaalka aan macanaha ku dhisneyn ee dadka  wax ma garadka ahi ka wadaan Taleex, taas oo ay ku dhinteen dad shicib ah , qaar kalena ku dhaawacmeen isla marklaasna ay ku baabe’een hanti badani. Waxa sidoo kale meeshaas ka dhacay barakac. Waxa aanu ka codsanaynaa dadka ehelka ah ee dagaalamaya in caqligu taliyo oo aan aanay gacantu talin, sidoo kale waxa aanu ka codsanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo joojoojiyo colaada.

 

Waxa kale oo aanu ka codsanaynaa in xukuumada , shacabka reer Somaliland iyo qurbo joogooduba ka qayb qaataan sidii taakulo loogu geyn lahaa dadkaas iyo sidii loogu diri lahaa dad dhexdhexaad ah oo  wax ka tara nabadeynta.

 

Ugu danbayn dadka ku dhintay Alle waxa aanu uga baryaynaa in janadiisa fardowsa ka waraabiyo ehelkii ay ka dhinteena samir iyo iimaan ka siiyo.Kuwa ku dhaacamayna nabar gardaro Alla uga dhigo kana bogsiiyo.

 

AAMIN

 

 

 

Hussein Wadadyare

 

Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Jönköping Sweden