Waa Kuwee Xidigaha Ugu Caansan Kubada Cagta Xiligan Casriga Ah La Cayaaro.

images (1)

Madaama la joogo xili dunida oo idil wada gaartay aalada casriga ah gaar ahaan adeegsiga Internet-ka oo fududeeyay inay abuurmaan barro bulshada aduunka ku wada sheekeestaan ama fikradahooda isku dhaafsadaan waxaa sahlanaatay in xidigaha ugu qatarsan xirfadalayaasha kubada cagta daafaha caalamka oo idil laga barto, sidaas oo ay tahay hadana caanimada waa lagu kala sareeyaa waxaana idiin heynaa 10-ka xidig ee ugu caansan xiligan casriga ah, qaarkood waxaa suura gal ah in weli kubada cagta ay cayaaraan halka kuwa kalena ay dhawaanahan ka fariisteen.

Waxaa xusid mudan in Cristiano Ronaldo oo u dhashay dalka Portugal kana tirsan kooxda Real Madrid uu yahay cayaaryahanka aduunka ugu caansan waxaana la isku raacay in xidigan u shacbiyad ku leeyahay –qaaradaha kubada laga daawado (Africa, Asia, Australia, Europe, South America, North America) xidiga labaad ee kusoo xigo dhanka shacbiyada ayaa ah David Beckham inkastoo uu xidigan cayaaraha isaga fariistay hadana weli shacbiyada uu leeyahay hoos uma dhicin. Fadlan hoos kaga bogo 10-ka xidig ee ugu shacbiyada balaaran xiligan casriga ah:

1-      Cristiano Ronaldo- qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, Asia, Australia, Europe, South America, North America)

2-      David Beckham- qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, Asia, Australia, Europe, South America, North America)

3-      Lionel Messi qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, Asia, Australia, Europe, South America, North America)

4-      Ronaldinho- qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, Asia, Europe, South America, North America)

5-      Steven Gerrard- qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, Asia, Australia, Europe,)

6-      Andres Iniesta- qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, Asia, Europe, South America)

7-      Neymar qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, South America, North America)

8-      Robin van Persie- qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, Asia, Australia, Europe,)

9-      Luis Suarez- qaaradaha laga xiiseeyo (Africa, South America, North America)

10-   Mario Balotelli- qaaradaga laga xiiseeyo (Africa, Asia, Europe,)