WADDANI TORONTO :TAAGEERO DOODA QARAN “ NATIONAL DEBATE”

WADDANI TORONTO :TAAGEERO  DOODA QARAN “ NATIONAL DEBATE”

 Waddani logo
Guddigga & Taageerayaasha  Xisbigga  WADDANI ee Toronto waxay isugu yimaadeen kulan ay ku lafo- gureen xaaladda guud ee Somaliland  iyo “ Dooda Qaran” ee ay qabanqaabinayaan labada Xisbi Mucaarid ( WADDANI & UCID). Falanqayn  dheer  ka dib, waxay isla qaateen  qoddobaddda soo socda:
 
  • Waxaanu  taageero buuxda – cilmi , caqli, iyo maalba – u fidinaynaa “ Dooda Qaran”, oo aanu u aragno  dood cilmiyeed  “ Symposium”, lagu lafo guraayo dhibaatooyinka Somaliland ka taagan, iyo sidii xal loogu heli lahaa.
  • Waxaanu u aragnaa Dooda Qaran inay beddel u noqon doonto “ Shir Beleedyadda” isdabajooga ah  oo aanay wax faa’ido ahi kasoo bixin.
  •  Dooda Qaran waxa kasoo qayb geli doona bulshadda rayidka ah qaybaheeda kala duwan- Ardayda, Haweenka, Madax dhaqameedka, culm’udiinka,Wax-Garadka, siyaasiyiinta, iyo qaybo kale oo fara badan . Waa dood cilmiyeed salmi ah oo sal balaadhan  oo qof waliba fikirkiisa xorta ah ka diiban doono.
  • Waxaanu ku boorinayna Xukuumadda & Xisbul _Xaakimka inay si niyad sami ah uga soo qayb galaan “ Dooda Qaran”,soona  bandhigaan waxay  umadda u  qabteen mudadi ay ka talinayeyn dalka JSL.  Sida laga warqabo, Xukuumaddu waxay taageero iyo hantiba u fidisa “Shir Beleedayadda”.  Waa inaanay carqalad ku noqon “Dood Cilmiyeed Qaran ”.
  • Dawlada Maxadweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo Xisbi xakimka waxaanu xusuusinayna in ay ka qayb qaateen markay xisbi Mucaaradka ahaayeyn Dood Qaran oo la mid ah tan hada joogta kuna baaqeen qodobo la mid ah kuwa maanta laga doodaayo.  Ilowshiinya dhawa Dawlada madaxweyne Silaanyo iyo xisbiga Kulmiye durba ma ilaabeyn waddaday u soo marayn taliska dalka
     
     
 
Alla Mahad-leh.
 
Xubnaha bayaayankan wadajirka u soo saaray:
 
  1. Jama Herad Jama- Gudomiyaha Laanta Toronto
  2. Yasin Abdi Hassan- Gudomiye Ku-Xigeenka
  3. Zuhuur Hassan Abib- Gudomiyaha Garabka Haweenka
  4. Ali Hassan Maygaag- Afhayeenka
  5. Mustafe Ismail Geele- Xoghayaha Dhaqaalaha
  6. Prof. Ibrahim Absiye
  7. Prof. Ali Sugal
  8. Awil Mohamoud
  9. Ali Ibrahim
  10. Ahmed Adam Doobaje
  11. Khader Isse
  12. Ahmed Abdi Da’ad
  13. Amina Abdi Jama
  14. Zeinab Indhayare
  15. Nura Xaliye
  16. Ahmed Adam Marayare
  17. Obied Mogeh
  18. Abdirazak Mohamed
  19. Abdirahman Abokor
  20. Ali Sudi
  21. Ahmed Ismail Ereg
  22. Mohamoud Abdillahi Awed