Wakhtigeedii Ayey Gaadhey !! W/Q Fouad Abdisalam

Wakhtigeedii Ayey Gaadhey !! W/Q Fouad Abdisalam

fuaad

Bal Adba, dalka oo nabad iyo naruuro sokeeye ku jira , Dadka oo nolol iyo nagaadi ku naaloonaya ayaa waxaa sida dabeysha uffada oo kale ina soo gasha wax laydhaa doorasho oo aynu baraney wixii 2000 ka danbeeyey, ha la si doorto ceeba maahee habka iyo hanaanka aynu u galno doorasho ma tahey hab wax inoo soo kordhiya mise waa mid mar walba burbur dhinacyo badan leh ina dhaxalsiiya. In badan waxaan si gaar ah isku weydiiyey muxaafidnimadu waa sideed ma sidey muxaafidiintu u fahmeen baa mise ? Mucaaridnimoyna maxaad tahey? Idinkaa ku watee ama muxaafid ahow ama mucaarid ahowboo waxeynu dareensan nahey halka aynu hayaanka gobonimo ka keeney, wadadii dheereed ee aynu u soo marney heerka aynu manta ku naalooneyno , dhiigii iyo dhibtii aynu gobonimadda ku keeney iyo sideynu u ilaashaney midhaheedii manta aynu u hadhsaneyno. Waxeynu u soo joogney doorashooyin badan oo dalkeena ka dhacey kuwaas oo aanan manta sinaba shacabka uga baqaneynin dhib iyo dhibaato ay ka dhaxlaan , waxaase aan indhaha laga qarsan Karin mar walba baaxada khasaaraha dhaqaale ama dhaqan ee barbar socda wakhti walba oo aynu doorasho u tafo xeydano. Doorashooyinkii u danbeeyey ee golaha deegaanka ee dalka ka dhacey waxeynu ogeyn dhibtii nafteed iyo dhibaatooyinkii ay inaga tageen oo manta loo nisbeyn karo dib u soo faqa iyo dib u barbaarida qabyaaladeynu aasney ee aynu qaranimo ku bedelaney. Wakhtigeedii ayey gaadhey !! Dabcan waxaa la marayaa xilli la rajeynayo in labada sano ee soo socda dalka doorasho ka hirgasho , waxaa sii bilaabey muranka siyaasadeed ee muxaafid iyo mucaaridnimo la isku eryanayo, la isku eedeynayo mar marka qaarna khalkhal amaan darro keenaya, nolosha waxaa laga dhaxlaa khibrad iyo waayo aragnimo lagu saxo wixii danbe, shakhsiyan waxaan aaminsanahey in xilli walba oo aynu muran siyaasadeed iyo doorashooyin galno in dhaawac weyn aynu ka dhaxalno kaas oo dhibteeda leh sidoo kale wiiqi kara higsiga iyo himiladda shacabka Somaliland. Dooda qabashada kulanka mucaaridku ku baaqayaan ( shir qaran , dood qaran , ama talo qaran ) maaha mid inagu cusub oo horeba mucaarid jirey wey ugu baaqeen muxaafid jireyna wey ka ololeen, waxaase muhiim ah in aaney inaga noqon mindi mindi ku taag iyo muran dhalaanka mustaqbalkooda mugdi galiya, horseedana muran siyaasadeed oo qas iyo qalaase wata , hadii dalku talo iyo shir qaran u baahan yahey muxaafid iyo mucaaridba wey wada qaban karaa waayo dalka iyagaa wada leh oo looga fadhiyaa waxqabadkiisa iyo horumarkiisa. Guntii iyo gabo gabadii, casharadii hore ee aynu ka dhaxalney muranadii siyaasadeed iyo doorashooyinkii ina dawakhiyey aynu ka dhaxalno hab iyo hanaan aynu u marno jid fayow oo aynu ku gaadhno, Fariimaha dhambaaladda hanjabaad leh iyo isku muuqashada hogaanka iyo madaxda dalka ha laga waantoobo si looga dhaxalno siyaasadii dalka ku hagi lahaayeen jiilka danbe ee mustaqbalka.
Fouad abdisalam Hassan 
Qalbi005@gmail.com

Sent from Yahoo Mail on Android