War Deg-Deg ah Waxaa Tuulada God-qaboobe ee Degmada Boocame hoostagta ka bilaabay Dagaal la isku Hoobtay kaasoo uu dhexmarayo Indho sheel iyo Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo ee Axmed Garaash.

War Deg-Deg ah Waxaa Tuulada God-qaboobe ee Degmada Boocame hoostagta ka bilaabay Dagaal la isku Hoobtay kaasoo uu dhexmarayo Indho sheel iyo Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo ee Axmed Garaash.

 

newslogo2Dagaalkan ka dhex qarxay Beesha Dhulbahante ayaa waxa uu yahay kii ugu Cuslaa oo dhexmara Ciidamo ka soo wada jeeda Kooxda Khaatumo kuwaasoo isu adeegsanaya Hubka noocyadiisa kala duwan …..

Taleex (SM) Tuulada God-qaboobe ee Degmada Boocame hoostagta ka bilaabay Dagaal faraha la iskaga Hoobtay kaasoo uu dhexmarayo Madaxweyne Indho sheel iyo Madaxweynaha Khaatumo ee Axmed Garaash.
Dagaalkan ayaa yimiday ka dib markii Xasaradi ka soo Aloosantay Magaalada Saaxdheer sidoo kale ay ku taliyeen Kooxda Dagaal oogayasha G`12 in weerar lagu qaado Magaalada Taleex oo haysta Madaxweyne Axmed Garaash iyo Madaxweyna ku xigeenka Puntland oo ay gacan saar wada leeyihiin.

Waxaa Goolaaftan,Hanjabaado Todobaadyadanba Indho sheel iyo G12 ku dhaaranayeen inay Galayaan Magaalada Taleex ayna doonayaan inay kala adkaadaan Dhulbahante iyagoo wacad ku maray inay dagaal ba an ku qaadi doonaan.
Ciidamadii Duulaanka ku soo ahaa Magaalada Taleex oo ay soo abaabushay G12 ayaa weerar lixaadleh ku qaaday Ciidamada Madaxweynaha Khaatumo ee Axmed garaash kaasoo ku sugnaa Todobaadyadanba Tuulada Godqaboowe.
Abaaro 12:00pm ayay fooda isku dareen Tuulada God-qaboobe ee laamiga ku taal oo u jirta boocame 12 km.tuuladaasi oo hoostagta Boocame.
Dagaalkan ka dhex qarxay Beesha Dhulbahante ayaa waxa uu yahay kii ugu Cuslaa oo dhexmara Ciidamo ka soo wada jeeda Kooxda Khaatumo kuwaasoo isu adeegsanaya Hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxaana Hugunka iyo Rasaasta,iyo Qoryaha daran dooriga u dhacaya laga maqlayaa Boocame iyadoo aan wali laga warhelin dhimashada iyo dhaawaca,sidoo kale khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Salaanmedia/Hargaysa