War Deg-deg ah:- Xukuumadda Oo Afar Ka Mid Ah Gudida Qaban Qaabada Soo Dhaweynta Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Xabsiga U Taxaabtay

Xadhiga xubnahan ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii Uu Wasiirka Duulista Somaliland Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa

Hargeysa (SM) – Afar xubnood oo ka mid ah guddida qaban qaabada soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ah, Ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa goor dhaweyd xabsiga Dhexe Loo Taxaabay.
Xadhiga afartan xubnood oo uuqaar kamid ah warbaahinta u xaqiijiyay Xoghayaha
Warfaafinta ee Xisbiga Wadani Maxamed Xasan Dirir, ayaan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambaysa xadhigooda.

Sidoo kale waxa uu xoghayaha guud intaasi ku daray in laba gaadhi oo ay wateen xubnahaasi guddida qaban qaabada ee Soo dhaweynta Gudoomiyaha Xisbiga Wadani iyagana la qabtay, kuwaas oo yaala wakhtigan saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargeysa
Xadhiga xubnahan ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii Uu Wasiirka Duulista Somaliland Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka horjoogsaday Masuuliyiin uu ugu sareeyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Oo Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kaga hor tagay Guddoomiyaha Xisbigaas oo dalka dib ugu soo laabanayay.

Salaanmedia/Hargaysa