War deg-Dega: Ciidamo lasoo dhoobay gagida Diyaaradaha ee Cigaal Airport iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan oo la filaayo Inuu soo dago.

waddani

Xukuumada Somaliland ayaa caawa ciidamo soo dhoobtay agagaarka gagida diyaaradaha Cigaal Airport, tasoo ka danbeysa imaatinka gudoomiyaha Waddani Ahna G Barlamaanka Somaliland oo beri Arbaca ah kusoo beegan Hargaysa.Waxa la filayaa dad weynu aad u badan oo soo dhaweynta ka qaybgalaya.

Xisbiga Mucaaridka Waddani oo ku goodiyey in aanay xukuumadu carqaladayn soo dhawaynta gudoomiyahooha.
Xoghayaha guud mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in xukuumaddu xidhay xubno ka mida gudiga qabanqaabada soo dhawaynta Gud. Cirro laakiin mar dambe lasoo daayey. Xoghayuhu wuxu tilmaamay in carqalad kasta oo ka timaada xukyumadda ay masuuliyadeeda qaadaysi.

lasoco wixii war  ah ee kasoo kordha Imaatinka Gudoomiye Ciro.

Salaanmedia/Hargaysa