WAR-GELIN SUXUFIYIIN LA SIIN DOONO ABAAL-MARIN Ururka Suxifiinta Somaliland Ee SOLJA.

WAR-GELIN SUXUFIYIIN LA SIIN DOONO ABAAL-MARIN Ururka Suxifiinta Somaliland Ee SOLJA.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) wuxuu ku warginayaa suxufiyiintii ka qayb gashay tobobarkii ku saabsanaa Biyaha, Nadaaafda guud iyo Fayo dhawka ee 27-31 May, 2013 lagu qabtay Huteelka Shiraaqle ee Magaalada Hargaysa

In la siin doono abaal-marino muhiima gaar ahaan suxufiyiinta maqaalo/ barnaamijyo ay ka baahiyeen casharadii lagu tababaray ee la xidhiidhayay Biyaha, Nadaafadda guud iyo Fayo-dhawrka Muddadii u dhaxaysey 1-dii June ilaa 5-tii November 2013.

Tababarkaa oo ururka SOLJA ay ka caawisay Hayada CARITAS Switzerland /Luxemburg, ayna maalgalisay Midowga Yurub (EU) , waxaa ay gebagebadiisii hogaanka SOLJA iyo masuuliyiinta CARITAS Switzerland /Luxemburg u balan-qaadeen suxufiyiintii ka qayb gashay in ay abaal marino ku bixin doonaan suxufigii/suxufayadii soo bandhigay ama bulshada u soo gudbiyey barnaamij/maqaal ka hadlaaya arimaha Biyaha,Nadaafada guud iyo Fayo-dhawrka Sidaa darteed ururka SOLJA oo kaashanaya Hayada CARITAS Switzerland /Luxemburg wuxuu ku wargalinayaa weriyaha maqaal/barnaamij ka diyaariyey ama ka qoray arrimahaa aynu kor ku soo sheegnay muddadaa u dhaxaysay 1-dii June ilaa 5-tii November 2013 inuu keeno xafiiska guud ee ururka ama ku soo diro email-ka cinwaankiisu yahay soljaawards2013@gmail.comwaxaana qabashada maqaalada iyo barnaamijyada ugu danbayn 17 November 2013 , waxaa kale oo suxufiyiintaa lagu wargalinayaa inay foomka tartankaa kala baxaan website-ka solja www.ururkasolja.org

 

Xasan Maxamed Yuusuf

 

Gudoomiyaha SOLJA.

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/WAR-GELIN-SUXUFIYIIN-LA-SIIN-DOONO-ABAAL-MARIN-Ururka-Suxifiinta-Somaliland-Ee-SOLJA.html#sthash.nuCd5ANJ.dpuf