Warbixin Kulankii Xirsi La Qaatey Aqoonyahanka Reer Awdal Ee London

sKulanka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan la yeeshay qaar ka mid ah aqoonyahanada iyo waxgaradka reer Awdal ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa mid isugu jirey garnaqsi, hoga tusaaleyn iyo toosin ku aadan dowladda uu haatan hoggaamiyo Axmed Siilaanyo.

Barasho kooban iyo mahadcelin kadib waxaa ugu horreyn kulanka ka hadley Prof. Abdirahman Abdillaahi Jimcaale oo yidhi “Ugaaskii Gadabuursi waa xaadir midnimadayaduna maanta waa xoog, cid walbe way jiidheysaa, midnimadaas haddii lagu jiheeyo wannaajinta dowladda wax kaste way hagaagayaan haddii dhinaca kale lala marana awoodeeda ayaa rukun kaste fujineysa haddaba waxa aan Wasiirka amma gacanyaraha maddaxweynaha farayaa waar inta aan midnimadaasi idin jiidhin waxa ay saluugsan tahay hoos u eega oo si fiican u fuliya arrimaha ay dowlad ahaan idinka tabaneyso”.

Waxa kale oo uu intaas ku darey “Waa ayaan daro nin Wasiir ah oo wasaaradiisu afar waaxood tahay oo waliba afartaas waaxood shaqaalaha ka shaqeeya ay beel kaliya ka soo wada jeedaan, bal u fiirso Garaad wuxuu yidhi 146 agaamise waaxood ayey reer Awdal ku leeyihiin 4 agaamise oo kaliya, Wasiir arrintaas wax loo dul qaadan karo maaha sababta oo ah saami qeybsiga dhinaca golaha Wasiirada waxaa ka qiimo badan oo ka muhiimsan shaqaalaha dowladda iyo ciidamadda, berigii hore ee shirkii Borama waxa lagu shaqeyn jirey duco, xaalada maanta joogta maaha sidii berigii hore oo kale waayo Somaliland maanta way dhisan tahay, dhaqaale ayey yeellatey markaa waxaan ku talinayaa waar shaqaalaha dowladda ha laga wadda muuqdo”.

Sidoo kale waxa Prof. Jimcaale hadalkiisa ku darey “Anigu waxaan ka mid ahaa aqoonyahanadii ka shaqeynayey shirkii Borama ee 1993kii aqoonyahanadii berigaas naga soo horjeeday immika marka aan kaftameyno waxa ay nagu yidhaahdaan waar dowladdii Siyaad Barre ayaa tan aad dhisteen dhaantey waayo dowladdaas xisaabiye oo dhan anaga ayuu ahaa (reer Awdal) markaa Wasiir waxaad ku dadaashaan in aad dheelitirtaan shaqaalaha dowladda oo sida muraayada ha looga wadda muuqdo wasaaradaha Somaliland”.

Xaaji Nuur Xuseen Fariid oo hadalka qaatey ayaa yidhi “Marka hore waxaan kuugu hamalyeynayaa imtixaanka Jaamacadda ee guul kuugu soo dhammaadey marka xiga waar horta na saamax sababta oo ah ninka albaabka dowladda naga xidhey waa Xirsi baan odhan jirney laakiin nin ka duwan ayaa maanta kuu aragnaa, mida kale Wasiir waxa aad xog ogaal u tahay dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka ee tiradda ka batey gaar ahaan kuwa ka soo yeedhaya Beelaha darifyada waxaan haddaba u baahanahay in dhibaatada jirta la xaliyo oo lagu dhammeeyo isku duubni iyo wadda jir, Somaliland maanta samada oo kaliya ayaa u furan sidaas darteed waxaan ku talineynaa waar waxaas yar ee ummadda dhex yaalla maanta in si wannaag ku jiro oo cadaaladda waafaqsan shacabka Somaliland loogu sooro”.

Bashiir Maxamuud Yuusuf oo isna hadalka ka dabba qaatey ayaa yidhi “Wasiir wixii uurka ku jira ayaa afka laga sheegaa sidaas darteed reer Awdal ahaan Somaliland wax weyn baa naga galey waxaanan mar walbe maamulka hoggaanka u haya uga fadhinaa abaal celin qurux badan”. Mar uu Bashiir ka hadlayey dhacdadii jidka Dilla waxa uu yidhi “Dhacdadii ka dhacdey jidka u dhexeeya Borama iyo Hargeysa oo ahayd mid aad u fool xun waxaa la idinka sugayaa in aad wax ka qabataan sababta oo ah waxaan maqalnaa dad baa la qabtey illaa maanta ma hayno qof Maxkamad la soo taagey, Wasiir waxaa la joogaa wakhti samirkii ka dhammaadey agoontii ay birimageydadu ka tageen, mashaqadaas ha la soo afmeero oo caddaadalu ha shaqeyso ayaan leenahay”. Waxaa kale oo Bashiir intaas ku darey “Wasiir arrimahaas aan ka dhawaajiyey haddaan wax laga qaban dhallinyarada aan aqoonyahanka u nahay kuma qanci karaan Somaliland waa meel la wadda leeyahay oo cadaalad ka jirto”.

Odey Cabdi Weyne oo hadalka lagu soo dhaweeyay ayaa ka dhawaajiyey xaalada cakiran ee ka taagan gobolka Salal “Somalidu waxa ay ku maah maahdaa xabad inta amaankeedu xidhan yahay ayey nabadi jirtaa, eraygaas waxaan uga goleeyahay Wasiir waxaan filayaa ka dowlad ahaan in aan waxba idinku seeganeyn arrimaha ka socda degaanada hoos yimaada gobolka Salal waayo waa arrimo ina wadda khuseeya oo u baahan in wax laga qabto sidaas darteed waxaan idinku boorinayaa in dadkaas walaalaha ee is dhaley ee dhibaatadu dhex taal si wannaagsan loo dhex galo oo balaayada halkaas ka soo socota biyo qabow lagu shubo”.

Xildhibaan Cali Gabiley oo aad ugu dheeraadey waxqabadka Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo horumarka ka socda gudaha Somaliland ayaa hadalkiisa ku soo gunnaanadey “Wasiir ragga halkan fadhiya waa ragga naga dambeeya ee aan wax ka qaadano, iyagaa na xukuma markaa waa in aad tilmaamtooda tixgeliso oo tallo soo jeedintooda ka garowdo”.

Gabogabadii kulanka waxaa lagu soo dhaweeyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Horta qalad baa dhacey ee yaan qalad lagu sixin, arrinta ka dhacdey jidka Dilla waxa ay ahayd arrin fool xun oo dhacdey wakhtigii ay Xukuumadii UDUB talada dalka haysey, muddadii Kulmiye talada gacanta ku hayeyna waxaa dhacdey arrintii kale ee Seemaal, maddaxweynaha iyo xukuumadiisu labbadaas arrimoodba si fiican ayey uga hawl galeen waxaana tallo lagu soo ururiyey labbo qoddob oo kala ah in aan wax dambe dhicin iyo in wixii khuseeya dhinaca cadaaladda iyo Maxkamadaha loo daayo garsoorka dalka”.

Mar uu Wariisku ka hadlayey arrinta la xidhiidha saluuga ka muuqda saamiga shaqaalaha dowladda waxa uu yidhi “Somaliland wax badan ayaa ka khaldan waxaas maaha mid aan anagu sammeyney waa mashaakilo naga horreeyay oo Xukuumadihii hore ku lug lahaayeen unkidooda, anaguna wali wax kamaanu qaban waxaase diyaar u nahay in hawshaas wax laga qabto waayo waxaan rabnaa Somaliland oo qurux badan oo maamulka jira iyo shaqaalaha dowladaba Beelaha Somaliland oo dhan ku qanacsan yihiin”.

Sidoo kale mar uu Wasiirku ka hadlayey kulanka uu la yeeshay waxgaradka reer Awdal ee qurba jooga ah waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanahay kulankeena maanta waannan soo dhaweynayaa tallooyinka aad soo jeediseen amma aad soo bandhigteen waxaanse idinku dardaarayaa in aad si wannaagsan noogala qeyb qaadataan dhismaha wadadda u dhaxeysa Ceerigaabo iyo Burco”.

Si kastaba ha ahaatee kulanka oo ahaa mid salka ku hayey kaftan iyo dood adag oo dhex martey labbada dhinac isla markaana ay ka hadleen aqoonyahano kale oo badan ayaa gunnaanadkii lagu soo afmeeray waraaq laga soo qaadey Madxafka weyn ee magaalada London taas oo ahayd mid ay ka muuqatey khariidadii Somaliland ee 1960kii, aqoonyahanada waraaqda goobta keenay waxa ay yidhaahdeen waa in la tixgeliyo xuduudihii 1960kii ee Ingiriisku xadeeyay si Beelaha walaalaha ah ee Simaliland wadda dega aan beelna beel kale ku xadgudbin dhulka ay xaq u leedahay ee Eebbe weyne ku abuurey”.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com