Wasiir Samaale oo ku fashilmay damaciisii siyaasdeed iyo balan qaadkii Madaxweyne Siilanyo! laba daranse mid ha doorto!

maqaal

Tan iyo markii wasiir samaale uu shaaca ka qaaday hankiisa siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay inuu u sharaxn yahay hogaanka xisbiga ayaa waxa ka muuqatay inuu kalsooni ka haysto madaxweyne siilanyo, 
 
wasiir samaale oo siyaasada kala jaan qaaday dhismihii xisbiga kulmiye oo aan hore ugu dhex jirin ayaa bilowgii la yimid dardar siyaasadeed oo badan iyo aftahanimo uu ku kasbaday taageerayaasha xisbiga kulmiye iyo hogaanka xibiga oo uu madaxweyne siilanyo ugu tun wayn yahay waxa uu nasiib u lehay in xisbiga kulmiye u xusho inuu ka mid noqdo shirgudoonka baarlamaanka Somaliland oo ay is gaashaanbuuraysteen xibiyadii mucaaridka ahaa markaas oo kala ahaa kulmiye oo uu ka soogalay samaale baarlamaanka iyo xisbiga UCID,
 
wasiir samaale oo ah shakhsi aqoon u leh diinta islaamka ayaa intii uu siyaasada dhex qaadina masjid hargeysa ah kutubta diinta ka marin jiray wacyi badan kadib si xowliya ayuu u fuulay salaanka siyaasada Somaliland waxay isla jaan qaadeen wasiirka xukuumada siilanyo ugu awooda badan waa wasiir xirsi waxa lagu xantaa labada wasiir inay ka wada tirsan yihiin ururka islaamiga ah ee islaax labada wasiirba waxay siyaasadoodu la curatay xisbiga kulmiye wax aqoon siyaasdeed oo hore ama waayo aragnimo may lahayn waxaanay aamin sanaayeen dadka siyaasada Somaliland odorasaa inay is tuseen inay kala wareegaan hogaanka xisbiga kulmiye hada haya sida gudoomiye muuse biixi iyo kuxigeenkiisa maxamed kaahin oo labadan wasiir midba midka kale deegaan iyo beel kala soo jeedo,
 
inta badan siyaasadan damaca balaadhani ku jiro ninka isku soo xidh xidhay waa wasiir xirsi oo rabay inuu wasiir samaale meesha kaga saaro muuse biixi isna bedelo maxamed kaahin kadibna u hadhaan gogaanka xisbiga iyo taldiisa,
 
nasiib wanaag  somalida ayaadtidhaah nin haduu ku hor maro waa la daba maraa! safarkii wasiir xirsi ugu kicitimay London waxaa ka faa,idaystay rag badan oo siyaasiyiina oo wasiir xirsi ka hortaagnaa inay fooda soogashaan madaxtooyada oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha kuwaas oo uu ka ilaalin jiray inay madaxweynah la shiraan oo u sheegaan siyaasada dalka meeshay marayso iyo xanta suuqa taal oo uu madaxweynuhu noqdo  dheg qudha oo xirsi wax u sheego una gudbiyaan wixii talo siyaasadeed ah ee ay hayaan!,
 
khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay gudiga qaban qaabada xisbiga kulmiye ee labada dhinac ka dhigay waxaa hubaala hadii wasiir xirsi joogi lahaa inuu doorkiisa siyaasdeed ciyaari lahaa oo cidlada wasiir samaale laga helay aanay suuro gasheen! kooxda gudoomiye saleebaan gaal hor boodayo ee beelaysnaa ee madaxweynaha ku qancisay inuu wasiir samaale tartanka siyaasada ka reebo inaanay si fudud ugu suuro gasheen oo aanay dhaafiba kareen wasiir xirsi ilaa ay isaga marka hore qanciyaan mooyee,
 
lama garan karo maqnaashiyaha wasiir xirsi inay ku timid si caadiya iyo qaadhaanka wadada ceerigaabo ee uu yurub ugu baxay iyo inay tahay shax siyaasadeed oo loo degay si looga faa,idaysto maqnaashiyahiisa waayo intan beesha ka soo jeeda ee saleebaan gaal wato qaar kamida hore ayay ugu fashil meen inay madaxweynaha ka dhaadhiciyaan inuu wasiir xirsi bedelo,
 
hadaba maxaa la gudboon wasiir samaale? waxa la gudboon labo daran mid inuu doorto inuu sidaas ku aamuso oo uu noqdo shakhsi siyaasada lagu baraq jabiyay oo sidaas ku karaamo beelay kana tanaasulo hankiisa siyaasdeed oo qowlkii hore uga dhacayna sidaas ku fashilmo ( nin qowl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday) wasaarada dufanka leh ee uu madaxa ka yahay na ku samro iyo inuu go,aan adag qaato oo aanu ka hadhin damaciisa siyaasadeed oo uu iska casilo xilka uu hayo ee wasaarada oo uu diyaar u noqdo dagaalka siyaasdeed ee kaga socda garabka muuse biixi iyo maxamed kaahin horboodayaan ee hogaanka xisbiga haysta welow aan go,aankan danbe aan looga baran siyaasiyiinta Somaliland marka laga reebo Dr; maxamed cabdi gaboose oo sidan oo kale inta uu xilkii wasaarada arimaha gudaha iska casilay u ban baxay damaciisa siyaasadeed.
 
 
aadan axmed nuur