Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Foosiya Yusuf Aadan ” Midowga Yurub Waa Saaxiibka Somaliya.(Daawo Sawiro)

Nov 27,213 (SM)-Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineyso oo beryahan k sugnaa Brussels ayaa maanta soo gabogabeynaya shirka ay halkaas uga qeybgalayaan oo looga hadlayo Horumarinta Caalamka.
1
Wasiir Fowzia ayaa shirka inta uu socday kulamo gaar gaar ah la yeelatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kala hadleysay soo xoojinta xiriirka iyo sidii dalalka caalamka ay uga dhabeyn lahaayeen ballanqaadyadooda oo ay dowladda Soomaaliya garab weyn k siin lahaayeen qorsheyaasha lagu xasilinayo dalka, iyo kuuwa lagu dardargelinayo dhismayaasha hay’adaha dowliga ah iyo sidii mashaariic horumarineed loogu heli lahaa dalka.
2
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleyn Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ka kala socda caalamka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Liberia, Niger, Ra’iisul Wasaarayaasha Jamaica, Lithuania, Cape Verde. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Madaxa Midowga Africa Nkosazan Zuma, Madaxweynaha EU Barosso, iyo madaxda Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ka kala socda caalamka, gaar ahaan Wasiirada horumarinta ee Midowga Yurub.
3
Wasiir Fowzia ayaa sheegtay in Soomaaliya ay maanta horumar ballaadhan ku tallaabsatay caalamkana laga codsanayo inay Dowladda qorsheyaasheeda taageeraan. Wasiir Fowzia ayaa warbixin kooban ka bixisay horumarka ballaadhan ee dhinacyada badan sida amniga, dib-u-heshiisiinta, shirarka Qaranka ee dadka talada laga qeybgalinayo, iyo qorsheyaasha cad-cad ee dowladdu soo bandhigtay. Wasiir Fowzia ayaa ku nuuxnuuxsatay in dumarka iyo dhalinyarada ay yihiin laf dhabarka bulshada loona baahanyahay in loo abuuro shaqooyin iyo mashaariic keeni kara in dalku dib u dhismo.
4
Wasiir Fowzia ayaa Midowga Yuruub uga mahadcelisay doorka hoggaamineed ee arrimaha Soomaaliya, kuna dhiiri gelisay inay ballanqaadyadii iyo saxiixii Compact la soo dedejiyo si dalka loo gaarsiiyo marxalad horumarineed. Shirka ayaa maanta la soo gabogabeyn doonaa.
567891011
Salaanmedia/Mogdisho