Wasiirka Arrimaha Dibadda Foosiya Yusuf Xaji Aadan Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatay,Kana Warbixisay Shir Ay Kaga Qeyb Gashay Magaalada Brussles

Nov 29,2013 Muqdisho(SM)-R/wasaare ku xigeynka ahna wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dalka dib ugu soo labatay ayaa ka warbixisay shir ay kaga qeyn gashay magaalada Brussles ee caasimadda dalka Beljim.

Shirkaasi ayaa waxaa isugu yimid wadamada deeqa bixiya ee midowga yurub,waxaana inta badan diiradda lugu saaray arrimo ay ka mid yihiin gargaarka soomaaliya la siiyo iyo arrimaha dhowrista xuquuqul insaanka.???????????????????????????????

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay shaqaalaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda,iyadoo mid mid u gacan qaaday dhamaan dadkii soo dhaweeyay.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shir jaraa’id ku qabatay garoonka diyaaradaha ayaa ka warbixisay waxyaabihii ka soo baxay shirkii ay kaga qeyb gashay magaalada Brussles.???????????????????????????????

Wasiiradda ayaa sheegtay in shirka looga hadlayay qorshaha sidii loo maamuli lahaa mucaawinada ay bixinayaan todobada sabo ee soo socota iyo sida la isku waafajin karo xuquuqul insaanka iyo horumarka.

Marwa Fowsiyo ayaa sheegtay in ay kulamo gooni gooni ah la yeelatay qaar ka mid ah wasiiradii iyo madaxdii ka soo qeyb galay shirka sida wasiirada dalalka Finland iyo Ireland iyo Mas’uulka midowga yurub u qaabilsan afrika.???????????????????????????????

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda soomaaliya ayaa sheegtay in ay casuumaad ka heshay dowlada Faransiiska,islamarkaana ay magaalada Paris uga qeyb gali doonto shir ay yeelanayaan dowlada Faransiiska iyo wadamada afrika.

R/wasaare ku xigeyn ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in madaxda wadamada yurub kala hadashay lacagihii soomaaliya loogu balan qaaday shirkii 16kii bishii September lagu qabtay magaaada Brussles,loona baahanyahay in dabagal lagu sameeyo lacagahaasi,iyadoo sheegtay in mid ka mid ah dowladahaasi ay u xaqjiisay in ay dhawaan lacagtaasi soo shubeeyso.???????????????????????????????

Ugu danbeyntii r/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa daboolka ka qaaday in basaboorkii hore ee cagaarka ahaa ee la joojiyay,iyadoo sheegtay in ay arrimahaasi kala soo hadashay wadamo dhowr ah oo calamka ka mid ah,hada wixii ka danbeeyana ay xooga saari donaan sidii loo hor mari lahaa baasaboorka cusub ee E Passaport.

Salaanmedia/Mogdisho???????????????????????????????