: Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka War-bixiyey Kulan Dhex Maray Madaxwayne Siilaanyo & Safiirka Turkiga U Qaabilsan Soomaaliya Iyo Somaliland

(SM-Hargeysa) –Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta qarsiga Madaxtooyada ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo shalay dalka booqasho ku yimid.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo kulanka Madaxwaynaha iyo safiirka la hadlay saxaafadda ayaa sharaxay waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Kulanka dhex maray Madaxwaynaha iyo safiirka  ayaa lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dalka isla-markaana dawladda Turkigu ay xafiis dublamaasiyadeed uga furan lahayd Somalilnd isla-markaana Somaliland-na uga furan lahayd xafiis dalka Turkiga, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibaddu

.Salaanmedia/Hargaysa