Wasiirka Beeraha Oo ka Hadlay Daraasadda Qorshe ay Biyo Xidheenno lagu Hirgelinayso

Wasiirka Beeraha

Hargeysa(SM)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole ayaa sheegay in ay wadaan mashruuc lagu horumarinayo dalka, isla markaana lagu samaynayo biyo xidheeno.

Faarax Cilmi Geedoolle ayaa waxa uu sidaasi caddeeyay mar uu shalay ka hadlayay degmada Faraweyne ee gobolka Maroodi-jeex oo ah meesha uu ka soo bilaabmo dooxa weyn ee dhex mara magaalada Hargeysa, waxana uu tilmaamay in mashruucan biyaha lagu xidhayo ay ka bilaabi doonaan degmada Faraweyne sanadka fooda inagu soo haya ee 2014-ka.

Wasiirka oo arrimahasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaanu samaynay mashruuc lagu horumarinayo Somaliland oo la diyaarinayo qaabkii loo xidhi lahaa biyaha.Halkani waa halka ay biyuhu ku kala weecdaan biyaha tagaya Hargeysa markaa waxaan doonaynaa in afar qaybood ay ka bilaabmaan biyaha Hargeysa tagaya oo aan shaqada biyo xidheenadda ka bilowno.”

Mudane Geedoole waxa uu intaa ku darey, “Bartani waxay noqonaysaa halkii ugu horaysay ee laga bilaabi lahaa mashruuca. Mashruucu hadda ma bilaabmayo ee Research ayaan samaynaynaa illaa bisha saddexaad ee sanadka soo socda waxa lagu jirayaa daraasad.”
Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isaguna la hadlayay dadweynaha degmada Faraweyne ayaa waxa uu u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan mashruucan, waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay in aad u diyaar garowdaan mashruucan in aad ka shaqaynaysaan markaad ka shaqaysaan lacagna waad ku qaadanaysaan, waxa kale oo laydin siin doonaa tabobar ku saabsan qaabka loo xidhayo biyaha si mar dambe aynaan gacan bini’aadam aynaan wax ku sugin”.

Salaanmedia/Hargeysa