Wasiirka Deegaanka oo la kulantay iskaashatooyinka Beeyadda ee Saaxil iyo Sanaag

Wasiirka Deegaanka oo la kulantay iskaashatooyinka Beeyadda ee Saaxil iyo Sanaag

November 30th, 2013 

Wasiirka deegaanka

HARGEYSA (SM)-Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula qaadatay iskaashatooyinka beeyada ee gobolada Saaxil iyo Sanaag .

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo siii wadi lahaa mashruuc ku saabsan horumarinta beenyada gobolada sanaag iyo saaxil oo muddo istaagay kaas oo uu waday baanka adduunka oo kaashanaya Haayada SOVRIKO.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shugri xaaji ismaaciil baandare oo halkaasi ka hadashay ayaa si faah-faahsan ugu warantay u jeedada kulankan oo ay ku tilmaantay in uu yahay kulan lagaga hadlayo sidii dib loogu soo celin lahaa Mashruuca horumarinta beenyada dalka kaas oo muddo istaagtay balse intii ay wasaarada joogtay ay ku hawlanayd sidii mashruucaasi dib loogu bilaabi lahaa .

Mashruucan ayaa wasiirka deegaanku sheegtay in uu ku saabsan sidii loo daryeeli lahaa dhirta sii dabar go,aysa ee beenyada isla markaana loogu samayn lahaa goobo lagu daryeelo, dadkana loo bari lahaa sidii ay u beeri lahaayeen.

Marwo shugri xaaji ismaaciil Baandare waxa ay sheegtay in mashruucan Horumarinta beenyada sidoo kale ay ku jirto sidii tababaro loo siin lahaa dadka ku hawlan beenyada loona bari lahaa qaabkii ay u la dagaalami lahaayeen cayaanka ku dhasha geedka beenyada , korna loogu qaadi lahaa aqoontooda la xidhiidha daryeelka beenyada si ay ula tartamaan kuwa caalamka

Wasiirka deegaanku waxay ay xustay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u xoojin lahaa xidhiidhka wasaarada kala dhaxeeya wasaaradaha Xanaanada Xoolaha , Beeraha Iyo Gacansiga oo meelo doora ay iska soo galaan wasaarada Deegaanka .

Waxa kale oo Kulankaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Maxamuud oo ku hadlayey afka iskaashatooyinka Beenyada oo wasaarada deegaanka uga mahadceliyey sida ay ugu hawlan tahay horumarinta beenyada dalka.

Salaanmedia/Hargeysa