Wasiirka Madaxtooyadda Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Ka Qabsoontay Bariga Hargaysa Oo Lagu Tageeraayay Dhismaha Jidka Ceerigaabo.

image

(SM-Hargaysa) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud: Xirsi Cali Xaaji Xasan , ayaa caawa ka qayb galay kulan ballaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka iyo cuqaasha Degaanka Bariga Hargaysa, kulankaas oo u jeedadiisu ahayd inay degaanka Bariga Caasimadda Hargaysa si buuxda u taageersan yihiin dhismaha wadada Muhiimka ah ee isku xidha Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, wuxuu dareenki kulankaas  kaga hadlay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, barta uu Internetka ku leeyahay ee Guusha.com, hadalkii Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan ku faafiyay halkaas ayaa u dhignaa sidan..

 

Waxay ahayd xalay Saacado kooban ka hor, kadib markaan ka qayb galay Kulan ay soo agaasimeen Barriga Xaafad Weynta Hargeisa.

Wuxuu ahaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay, kulan ay ku kulmeen madax dhaqameedka, Culimada,  cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, Ganacsatada, dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee xaafad waynta Barriga Hargeysa.

Kulankan oo ujeedadiisu u daarnayd taageerida iyo garab buuxinta jidka  isku xidhi doona Burco  iyo Ceerigaabo.

Waxaan uuga mahadcelinayaa dareenkooga walaalnimada badan ku dheehan tahay, dareenkooga nool iyo damiirkooga caafimaadka qaba

Waxaa hubaal ah waddooyinka iyo kaalinta ay kaga jiraan koboca dhaqaalaha, sugida amniga, iyo guud ahaanba isu socodka bulshooyinka qaybahooga kala duwan.

Waxaynu ognahay in waddo kasta tahay mid bulshadu wada leedahay maalinbana waxaa manaafacsada qofkii maraya ama ku safraya.

Waxaan ku diirsaday markay ku yabooheen wajiga koobaad ee ay kaga qayb-qaadanayaan jidkan oo ah  lacag gaadhaysaa $100,000 USD  iyo 120 neef oo xoolo ah,  waxay ku baaqeen in ay hiil iyo garab-ba siin doonaan Waddooyinka dalka ka socda.

Bulshadani waxay cashar iyo tilmaam u noqdeen bulshooyinka kala duwan ee dalka , waxayna muujiyeen in walaalnimadu xuduud iyo xaafad toona lahayn.

Waxaan leeyahay runtii deeqdu Waxay Wax tartaa markaad u baahan Tahay, Deeqdu Waxay Wax tartaa Marka Laguu garto

Allayllehe “Hadii Awal la Odhan Jiray Buurmadow Nin La’, Waxaan Leeyahay Buurmadow Nin Ma Waydo”

Waxaan Alle idiinka baryayaa sida aad u bixiseen wixii aad jeclaydeen oo ah maalka in uu idiinku baddalo wax ka badan oo ka khayr badan

Wa Bilaahi Tawfiiq”.

Salaanmedia/Hargaysa