Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shirre Oo Sharraxay Sida Loo Isticmaalayo Dhaqaalaha Badan Ee Wadamada UK Iyo Denmark Ugu Deeqeen Somaliland (Akhrio Warbixin Dheeraad Ah)

tvNov 30,2013 Hargaya(SM)- Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa shaaca ka qaaday in lacagta ay Somaliland ugu deeqeen dawladaha Ingiriiska iyo Denmark in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay wax kaga qabanayaan ay ugu horeeyaan dhaqaalaha, deegaanka iyo kaabeyaasha.

Waxaanu tilmaamay wasiirku ay u qorshaysan tahay in sanadkan iyo ka soo socda lacagtaasi laga maalgelinayo shan wasaaradood oo kala ah wasaaradda biyaha oo laba qaybood ah, wakaaladda biyaha Hargeysa, wasaaradda biyaha, wasaaradda beeraha, wasaaradda xoolaha, wasaaradda deegaanka iyo hay’ada wadooyinka.

Waxaanu sheegay Wasiirku in sanduuqa Somaliland dhaqaalaha ay u soo mariyaan deeq-bixiyeyaashu samayntiisa ay iska kaashadeen dawladaha Ingiriiska iyo Denmark, isla markaana ay imika ku jirto lacag gaadhaysa 6milyan oo dollar.

Dr. Sacad Cali Shirre, oo shalay u waramay warbaahinta qaar isaga oo faahfaahin ka bixiyay qaabka loo maamulayo iyo meelaha ay u qorsheeyeen in wax lagaga qabto lacagta ay Somaliland sanduuqa caawimada ugu shubeen dawladaha Britain iyo Denmark, waxa uu yidhi “Sanduuqa Somaliland Development Fund waxaa samayntiisa iska kaashaday dawladaha Britain iyo Denmark, lacagta imika ku jirtaa waa ilaa 6 milyan oo dollar, weliba waxaanu rejaynanaa in ay dawlado kalena ku soo biiraan, sanduuqani waa mashruuc afarta sanadood soconaya, laakiin waxaanu rejaynanaa marka ay afartaa sanadood dhamaadaan ama ka horba in uu noqdo mid joogto ah mar kastaba lacag lagu soo shubo.

Sanduuqan sida loo isticmaalayo waxay tahay haddii aanu nahay dawlada Somaliland anaga ayaa goynayna mashaariicda lagu samaynaayo, waxaana jirta gudi la yidhaahdo gudida qorshaha qaranka oo ka kooban wasiiro, guddoomiyaha baanka dhexe, guddoomiyaha rugta ganacsiga, ururada bulshada rayidka ah iyo qaybo kale, markaa gudidaasi ayaa qeexda tiirarka mudan sanad walba, waanay ka shiraan sanadkiiba mar, iyaga ayaana odhanaya tiirarkaasi ayaa mudan”.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre, waxa uu sidoo kale sharaax ka bixiyay arrimaha ay muhiimada gaarka ah siinayaan ee ay doonayaan in ay wax ka qabtaan. “Qorsheheenu waa shan tiir, tiirka dhaqaalaha, Tiirka bulshada, tiirka maamulka, tiirka deegaanka iyo tiirka kaabeyaasha, markaa imika sanadkan iyo ka soo socda ee 2013-ka ilaa 2014-ka waxaanu qaadanay saddex tiir, tiirka dhaqaalaha, tiirka deegaanka iyo tiirka kaabeyaasha, shan wasaaradood ayaana laga maalgelinayaa mashaariicdooda, wasaaradda biyaha oo laba qaybood ah wakaaladda biyaha Hargeysa iyo wasaaradda biyaha lafteeda iyo mashaariic ay soo qadintay wasaaradda beeraha iyo mashaariic ay soo qadintay wasaaradda xoolaha, mashaariic ay soo qoratay wasaaradda deegaanka iyo hay’ada wadooyinka.

Markaa mashruuca hay’ada wadooyinku waxa weeye dayactirka jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa, ka wasaaradda deegaanku wuxuu ku saabsan yahay dib-u-dhisida wasaarada iyo sidii seeroyaal loo samayn lahaa, ka xoolaha qaybi waa caafimaad, qaybina waa meelo xoolo naaxin ah, ka beeraha inta u badani waa biyo celin, ka biyahana ka sekow biyaha Hargeysa waxaa ku jira Boorama iyo Berbera.”

Wasiirka oo aanu waydiinay cida maamulaysa ee gacanta ku haysa sanduuqa Somaliland caawimada loogu shubo waxa uu ku jawaabay “Guddida go’aamisa waxa lagu qabanayo waa gudi reer Somaliland ah, laakiin sanduuqa waxa maamula gudi laba geesood ah, oo ka kooban labada dhinac ee kala ah deeq bixiyeyaasha Ingiriiska iyo Denmark iyo wasiirada qorshaynta iyo maaliyadda ee Somaliland, waxaana gacanta ku haya oo lacagta daba gelaya shirkad gaar loo leeyahay oo halkan Hargeysana xafiis ku leh, markaa iyada ayaa imika wasaaradaha ka caawinaysa sidii ay u samayn lahaayeen mashriic dhamaystiran, uu dhamaadana iyaga ayaa qandaraasku bixinaya cidii hawlaha qaban lahayd” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku isaga oo ka ka warbixinaya waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka wasaaradda qorshaynta hayay waxa uu yidhi “muddadaa aan joogay wasaaradda oo ku dhaw saddex sano iyo badh wax badan ayaa noo qabsoomay dhinac kasta oo aad ka eegtaba, haddii aan ka bilaabo dhinaca qaab-dhismeedka wasaaradda iyo hawlaheeda, sanadkii 2010-kii bisha August ayaan anigu bilaabay, markaasi waxay ka koobnayd wasaaraddu saddex waxood oo kala ahaa waaxda maamulka, waaxda qorshaynta iyo waaxda xog ururinta, waxaanu ku darnay laba waaxood oo kale, waaxda xidhiidhka ama dabagalka iyo waaxda horumarka, markaa imika wasaaradu waxay ka kooban tahay shan waaxood, halkii ay markii hore ka ahayd saddex waaxood”.
“Xagga shaqaalaha markii aan imid waxay ahaayeen 41 qof, imikana waa 115 qof, xagga xafiisyada aanu ku leenahay guud ahaanba dalka, markii aan imid waxa jiray oo keliya xafiiska xarunta ee Hargeysa iyo mid aad u yaraa oo aanu ku lahayn magaalada Burco qofna waxa uu noo joogay magaaladda Boorama, laakiin imika lixda gobo lee waaweyn mid walba xafiis ayaanu ku leenahay, mid walba si wanaagsan ayuu u qalabaysan yahay, waxaana ka shaqeeya midkiiba ugu yaraan shan qof, sidoo kale toddobada gobol ee cusbaa ilaa saddex ka mid ah ayaanu u samaynay wakiilo, Badhan, Cayn iyo Gabiley”.

“Dhinaca barnaamijyadda wixii u horeeyay ee aanu ku dhaqaaqnay waxa uu ahaa qorshaha qaranka iyo aragtida qaranka, waxaanu ku xigsiinay qorshe qaran oo shan sanadood ah, kaasi oo bilaabmay 2012, soconayana ilaa 2016-ka, waxaanay ahayd markii u horaysay ee aynu qorshe qaran oo sidaa u tifaftiran aynu yeelanay, sidoo kale waxaa mudadaa noo suurtagalay xagga shuruucda, sharciga lagu maareeyo hay’adaha samafalka kuwa caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba, waxaanan anigu wasaaradda imid iyada oo uu xeerkaasi baarlamaanka horyaalay, wasiirkii hore ayaana ka shaqeeyay, ka dibna baarlamaanka ayaa ansixiyay, madaxweynuhuna wuu saxeexay mudadii aan anigu joogay, waxa kale oo aanu samaynay xeerkii lagu maamulayay xog ururinta, iyada oo aanu markii hore xeerkaasi jirin. Waxa iyana aad u muhiim ah oo aanu samaynay hiigsi ku saabsan iskaga filaanshaha xagga cuntada iyo biyaha”.

Dhinaca kale Dr. Sacad Cali Shirre, oo aanu waydiinay su’aal ahayd in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan wasaaradaha dawlada oo aan fahamsanayn ama wax fikir ah ka haysan qorshaha hourmarinta qaranka, waxa uu ku jawaabay “Marka horeba wasaaradda qorshaynta qaranku kelideed inta ay meel fadhiisatay oo ay albaabada soo xidhatay may samaynin qorshaha qaranka, qorshaha qaranku waxa uu ka yimid wasaaradaha dawladda, wasaarad waliba qayb ayay ku leedahay, qaybta ay ku leedahayna iyada ayaa soo qoratay, shirar badan iyo doodo badan ayaana laga galay markii la samaynayay, wasiirada iyo agaasimeyaashuba, wasiirada iyo agaasimeyaasha cusubaa ee ka danbeeyay markii la qoray waa laga yaabaa qaarkood in aanay xog-ogaal u ahayn ama agaasimeyaashuba, laakiin intii hore si fiican ayay ula socdeen oo iyaga ayaaba curiyay oo soo gudbiyay” ayuu yidhi Dr. Shirre.

Salaanemdia/ Hargaysa  Somaliland