Xawaaladaa Iftin Express oo noqotey Xawaaladii u horeysa oo Norway ka hesha sharciga lacag dirista oo rasmi ah


Xawaalada iftinn express Norway ayaa noqotay xawaaladii ugu horaysay oo hesha shaciga lacag dirista oo rasmi ah, Madaxa shirkada iftinn express Norway Ing. Ducaale ayaa Saxaafada u sheegay in waxii hada ka danbeeya ay haystaan shaci abadiyan ah,oo awood u siinaya iney sida Bangiyada Norway ay lacag u diraan kana keenaan Dalka Dibadiisa, Injineer Ducaale wuxuu kaloo sheegay in kolkii ay Ifin Express Norway haysten sharci aan rasmi ahayn oo sanad walba la cusbooneyn jirey balse hada waxaan helney buu yiri Sharci rasmi ah.

Madaxa Xawaalada Ifintin ee Norway wuxuu macamiisha ugu bishaaraynayaa in hada wixii ka dambeeya ay Iftin tahay Xarun lacag diris oo laga aqoonsan yahay Dalka Norway.

Salaanmedia/London