XILDHIBAAN CABDIQAADIR JIRDE OO MAALMAHA SOO SOCDALA FILAAYO INUU KU BIIRAYO XISBIGA WADDANI.

download

Hargeysa (SM) Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo kamida xildhibaanadda golaha wakiiladda Somaliland ayaa maalmaha soo socda la filayaa inuu ku biiro xisbiga Waddani.

Wararka la isla dhexmaraayo magaalada Hargaysa ayaa sheegaya  in xildhibaan Cabdiqaadir uu kusoo biirayo maamlaha soo socda.Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa kamid ahaa xildhibaanadii ka soo baxay xisbigii UDUB,waa aqoonyahan aad looga yaqaano Somaliland kana soo qabtay xilal badan Somaliland.

Cabdiqaadir Jirde ayaa ah siyaasi wayn oo ruug cadaa a islamarkaana kamida siyaasiyiinta saamaynta ku leh Somaliland, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde kamid ahaan jiray shirgudoonkii Baarlamankii kan ka horeeyay ee Somaliland waxaana Cabiqaadir Jirde lagu tilmaamaa shakhsiyaad ay aas isugu dhawaayeen madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin

 

Sida la Salaanmedia loo xaqiijiyey Wadahadalo baryahanba u socday xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo Gudoomiyaha Waddani, balse aakhirkii waxay  gudoomiyaha Waddani iyo  Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde isla qaateen inuu ku soo biiro islamarkaana kamid noqdo xisbiga Waddani

Hadii Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde kusoo biiro Xisbiga Waddani waxay noqon doontaa awood kale oo xisbiga Waddani kusoo kordhan oo muhiim u ah xisbiga Waddani iyo Ololaha ay ugu jiraan sidii talada Dalka ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Â