Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Cambaareeyay Weerarka Puntland Kusoo Qaaday Degmada Taleex, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyona Ku Eedeeyay In Ay Iska Nabayso Dhibka Shacabkeeda La Baday

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Cambaareeyay Weerarka Puntland Kusoo Qaaday Degmada Taleex, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyona Ku Eedeeyay In Ay Iska Nabayso Dhibka Shacabkeeda La Baday

 Uurcade1

Hargeysa/SMXisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in ay faro gelin iyo waliba xasuuq ka geysteen Degmada Taleex ee Somaliland.

Waxa uu  maamulkaasi ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan degamada Taleex oo ay dad rayid ah ku laayeen kana tirsan Somaliland.

Dhinaca kale waxa uu xukuumadda madaxweyne siilaanyo ku eedeeyey in ay Afka ka xidhatay faro gelinta iyo waliba dagaalka uu maamulka Puntland ku soo qaaday degmada taleex ee Somaliland.

Sidaasna waxa warbaahinta u sheegay Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Maxamed Cabdilaahi Uur-cade, waxaanu yidhi “Hadaanu nahay xisbiga WADDANI waxaanu maanta shirkan jaraa,id uqabanay inaanu canbaarayno weerarka joogtada ah ee qaawan ee Maamul goboleedka Puntland ku hayso shacabkayaga gaaro ahaan gobolka Sool si gaar ah degmada taleex aad iyo aad ayaanu u canbaaraynayaa, hadaanu nahay xisbiga WADDANI faro galinta mudooyinkan danbe ay ku hayso maamulka Puntland gobolada bari ee Sool gaar ahaan degmada Taleex arrinkaasi maaha mid loo dulqaadan karo in shacabka somaliland ee ku dhaqan degmada taleex in la xasuuqo maatida yar yare ee aan waxba galabsan ee maalin walba sida badheedhka ah putland ugu soo duulayso aad iyo aad ayaanu uga xunnahay ka xisbiga WADDANI ahaan waana arrin fool xun oo baalmadow ku noqon doonta hadaanay ka hadlin xukuumadda Somaliland talaabona ka qaadin.

Dhanka kale mar uu ka hadlayey Xukuumadda Somaliland ee sida badheedhka ah Afka uga qarsatay in shacabka ku nool dagmada Taleex ay difaacdo ayaa hadana waxa uu yidhi “waxa kale oo aanu arrin nuqsaani ku jirto u aragnaa in xukuumadda Somaliland ay ka gaabiso in ay shacabkeeda ku nool degmada Taleex ay ka difaacdo maamulka Puntland ee hadh iyo habeen ku garaacaya madaafiicda joogtada ah waana arrin  nasiib darro ah inaanay ilaa hadda wax go’aan ah kasoo saarin aad iyo aad ayaanu uga xunnahay in dadkeedii oo la xasuuqayo in ay daawanayso xukuumaddu waan arrin nasiib daro ah oo soo wajahday xukuumadda Kulmiye.

Sidoo kale waxa uu xukuumadda usoo jeediyey In ay ka falceliyaan faro galinta tooska ah ee ay Puntland ku hayso Somaliland waxaana uu yidhi “waxaanu usoo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in dadkaas ay dhibaatadu gaadhay ay talaabo ka qaado oo wixii ay u fidin karto u fidiso dadkeedaas ku tabaalaysan taleex waxaanan leenahay waa in ay xukuumadda Somaliland talaabo cad ka qadaa faro galinta tooska ah ee ay Puntland ku hayso somaliland.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Somaliland Ayaan ilaa hada talaabo ka qaadin faro galinta ay Puntland ku hayso xuduudka Somaliland oo ay ku xasuuqday dadkii shacabka ahaa ee reer Somaliland kuwaas oo dhaawacoodii Burco soo gaadhay xalay.

Waddani Media/Hargaysa