Xisbiga UCID Oo Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Arimaha Gudaha U Gudbiyey Madaxweyne Siilanyo

ucid

Nov 27,2013 Hargaysa (SM)-Xisbiga Ucid oo Dacwad ka dhan ah Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland u gudbiyey Madaxweyne Siilanyo

Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid

Xisbiga Cadaaladda Iyo daryeelka Ucid

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Ref/UCID/939/2013 Date: 27/11/2013

Ku: Md Madaxweynaha JSL Hargeysa

Ujeedo: Dacwad ku xadgudub sharci (Wasiirka Arimaha Gudaha JSL)

Mudane Madaxweyne,

Marka hore salaan qadarin iyo karaamo leh ayaanu kuu soo gudbinaynaa.

Waxaanu kula socodsiinaynaa Mudane Madaxweyne inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade uu ka sii daayay warbaahinta waraysi dhabar jab ku ah hab-dhaqanka siyaasada dalka oo uu dusha uga tuuray xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka.Waxayna noqotay lama filaan iyo u qaadan-waa.Nuxurka waraysigaasi waxuu ku soo ururaayaa laba arrimood:

1.Xisbiyada mucaaridka ah ee Qaranku inay yihiin Qaran dumis oo laga soo abaabulo,lagana soo maal geliyo Somaliya.

2.Hay’adaha amniga iyo sirdoonku inay ku hawlan-yihiin dabagalka iyo xuuraanka dhaq-dhaqaaqa xisbiyada mucaaridka iyo xuquuqda iyo xoriyaadka shacabka JSL. Taas oo toos uga hor-imanaysa dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee amniga iyo nabadgelyada.

Annagoo kalsooni kugu qabna Mudane Madaxweyne,waxa aanu kaa filaynaa inaad shacabka u cadayso inaanad la qabin aragtida wasiirka arrimaha gudaha oo abuuri karta qas ka yimaada shacabka iyo hab-socodka dimuqraadiyada ee aynu ku dhaqano.

Sidaa darteed Mudane Madaxweyne,waxa aanu kaaga fadhinaa inaad:

A)Shacabka u cadayso inaan xisbiyada mucaaridka ah laga soo abaabulin,lagana soo maal-gelin Somaliya.

b)Xisbiyada mucaaridka ah ee qaranku inay leeyihiin awood,qadarin iyo karaamo la mid ah xisbul-xaakimka.

Ugu dambayntii, waxannu xisbi ahaan kaa dhawraynaa tallaabo waafaqsan sharciga, Distoorka iyo danta guud ee qaran, in aad ka qaaddo deel-qaafka Wasiirka Arrimaha Gudaha. Haddii kale waxad dariiqa u furaysa inuu lumo ku- dhaqanka sharcigu (rule of law), madaxda xukuumadduna u dhaqmaan sidii xukunkii digtaatooriga ahaa ee la iska xoreeyey.

ALLAA MAHAD LEH