Xoghayaha Xisbiga Ucid ee UK Cabdilahi Cumar Shaqale oo cambaareeyey dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Soo dhawayntii Gudoomiyaha XIsbiga Ucid

unnamed (4)

London 27Nov13(SM) Xoghayaha xisbiga Ucid ee Uk Mudane Cabdilaahi Cumar Shaqale  ayaa si adag u canbaareyey  dhacdadii foosha xumayd ee layska hor istagay Madaarka Hargaysa Murashaxa Madaxwaynaha xisbiga Ucid mudane Jamaal Cali Xuseen iyo marti sharaf kale ee la socotay gudoomiyaha ayaa isaga oo u waramaya saxafada waxa uu shegay in xukumadu ay rabto in ay wadanka khalkhal galiso iyo fidno abuur waana arimo ka baxsan anshaxa dawladnimo isla markaana aan loo dulqadan karayn.waxa kale oo wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga loo geestay gudida soo dhawaynta xisbiga wadani oo qaban qabinaysay soo dhawaynta gudoomiyaha barlamaanka . gabagabadii aya waxa uu baaq u  diray dhamaan tageerayasha xisbiga Ucid in ay mujiyaan cudooda mucaaradnimo.

 

Xoghayaha Xisbiga Ucid ee UK

Cabdilahi Cumar Shaqale

shaqale101@hotmail.co.uk