Xubno katirsan Deeq bixiyaasha Caalamka oo Su’aalo adag ka weediiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mooshinka R/Wasaare Saacid iyo iscasilaadii Yusra.

madaxweynaha somalia

Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kulan gaar ah ku yeeshay wafdi ka socday deeq bixiyeyaasha caalamka iyo Midowga Yurub oo saaka dalka yimid iyo madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulankan oo ahaa mid albaabada loo laabay oo saxaafadu ay dibed joog ka aheyd ayaa madaxweynaha Somalia iyo xubnaha beesha caalamka waxay ka wada hadleen is casilaada gudoomiyihii bankiga dhexe iyo sidii gudoomiye cusub loogu magacaabi lahaa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa u sheegay xubnahan mowshinka laga keenay Raisul wasaaraha inuu yahay mid baarlamanka ka yimid xaqna ay u leeyihiin iney la xisaabtamaan xukuumada, isagoo balan qaaday iney u hogaansamayaan natiijo kasta oo ka soo baxda Baarlamanka.

Wasiirka Maaliyada xukuumada Somalia Maxamuud Xasan Suleymaan oo kulankaas ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay isagoo diiday in wax suaalo ah laga weydiiyo kulanka.

Xubnahan ka socday Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa isla maanta ku laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay markii horeba ka yimaadeen, mana jirin war dhinacooda ay saxaafada ka siiyeen kulanka ay la qaateen madaxda dowlada.

Salaanmedia/Mogdisho