Xukuumada Somaliland Way Soo Dhawaynaysaa Go’aanka Ay Maxkamada Sare ee Arrinta Xawaalada Dahabshiil

dahabshiil1

London:(SM) Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyo Shacbigeedu Waxay si diirran usoo dhawaynaynaan Go’aanka ay Maxkamada Sare ee Britain ka gaadhay Dacwadii u dhaxaysay Shirkada Dahabshiil iyo Bangiga Barclays Bank, taasoo ay maxkamadu amartay  inaan bangigaasi joojin Xisaabta uga furan shirkadaas Dahabshiil. Waxa aanu Qiraynaa kaalinta Muhiimka ah ee ay Shirkada Dahabshiil iyo Xawaaladaha kalaba ay u hayaan Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika, kuwaasoo noloshoodu ay ku xidhan tahay lacagaha ay usoo diraan Eheladooda iyo Asxaabtooda dunida dacaladeeda jooga.

Xukuumada Jamhyuuriyadda Somaliland waxay dedaal u gashay in aan la xidhin  adeega ay Xawaaladuhu u hayaan dadweynaha Somalida ah, iyada oo Madaxweynaha Jamhuurriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo uu qoraalo ku saabsan arrintaas uu u qoray Dawlada Britain, waxa kale oo Wasaarada Arrimaha Debada Jamhuuriyada Somaliland iyo Danjirayaasheedu ay kaalin muhuum ah ka geysteen sidii bangiga Barclays Bank  aanuu u joojin wadashaqaynta ka dhaxaysay Shirkada Dahabshiil iyo xawaaladaha kale ee u adeeggaya bulshada.
Iyada oo aanu si weyn usoo dhawaynayno Go’aanka Maxkmada Sare ayaa sidoo waxa aanu usoo jeedinaynaa Baanka Barclays Ban iyo Xukuumada dalka Britain in Xal kama danbays ah loo helo arrimaha Xawaaladaha, si aan culays kale oo  dhaqaale u fuulin dadweynaha markii horeba ay noloshu ku adkayd ee ku nool Qaarada Afrika iyo Gaar ahaan Geeska Afrika.
Waad Mahadsan tihiin.
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Danjiraha Wareega ee Jamhuurriyada Somaliland
email: kaysar@diplomats.com