XUKUUMADAN KELI TALISKA AHI MAAHA XUKUUMAD KULMIYE BALSE WAA XUKUUMAD SIILAANYO. “Afhayeenka Xisbiga Waddani UK”.

”HABDHAQANKII AYNU KA SOO CARARNAY ASTAAMIHIISII AYAA KA MUUQDA XUKUUMADAN KULMIYE.”AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI UK..MUDANE QAASIM

XUKUUMADAN KELI TALISKA AHI MAAHA XUKUUMAD KULMIYE BALSE WAA XUKUUMAD SIILAANYO. “Afhayeenka Xisbiga Waddani UK”.

Waxaan shaki kaga jirin, Shacabka iyo Axsaabtaba in xukuumada Kulmiye ee uu horjoogaha u yahay Siilaanyo ku sifowday, Keli-talisnimo “Dictatorship”, Eex, Qabyaalad, Cabudhin iyo Iska horkeenid shacab. Astaamahan oon laga filayn inay ku kacdo xukuumad la soo doortay oo shacabkeedu xilka ku aaminay, aqoona u leh heerarka Shacabkani soo maray. Balse Maah-maah baa odhanaysa “Dad iyo Duurba waxaanad ka filayn baa kaaga soo baxa”.

Xukuumadan Siilaanyo, oon run ahaan la odhan karin waxay ka turjumaysaa Siyaasadii iyo Hadafkii Xisbiga Kulmiye, taasoo ay ugu wacan tahay Da’da Madaxweynaha iyo Xubnaha Xilalka ka haya oonba ahayn ragii ka soo shaqeeyey ee Maskaxdooda iyo Maalkoodaba ku bixiyey in Kulmiye qabto hogaanka wadanka. Sidaas awgeed Xukuumadani maahan Xukuumad Kulmiye, balse Xisbigii Kulmiye ayaa laga doonayaa siduu u sixi lahaa Magaciisan sida khaladka ah loo isticmaalay ee dad aan Kulmiye ahayn gacanta ugu jira “Jug Soo Dhacay”. Kulmiye waa kii shacabku si mug leh u doortay, balse Xukuumadan Siilaanyo ayaa dhistay si uu ajandihiisa Siyaasadeed ugu fushado, mana jirto Xubin xil ka haysa oo ka tirsan Gudiga Fulinta iyo Golaha dhexe ee Kulmiye amaba waa Faro-kutiris.

Inagama qarsoona Qaabka xukuumadani u dhisan tahay oo ah wax Cadaalada ka fog, Qaabka loo maamulo dhaqaalihii Wadanka oo awoodiisa Wiilal khaas ahi ku takri falaan. Inagama qarsoona in warbaahintii qaranku noqotay mid hal IL, iyo Dheg leh. Inagama qarsoona in xukuumadu samaysatay Website-yo ay dadka wanaagsan, halgamayaashii, Aqoonyahanada iyo Madaxda Xisbiyada Qaranka lagu caayo oo loo dhiibtay Wiilal Adeero loo yahay, lana soo tubo Dumar, Caruur iyo Xubno dano khaas ah laga leeyahay si ay ugu aflagaadeeyaan Fikirka wanaagsan inta wada. Inagama qarsoona in Xukuumadan Kulmiye ku sifowday Cabudhinta warbaahinta dhexdhexaadka ah, Cabudhinta Codka iyo Rabitaanka Shacabka oo tusaale ay u tahay tan Dooda Qaran.

Xukuumadan Siilaanyo waxay ku sifowday ku takrifalka hantidii qaran oo waan la soconaa in Airportkii loo diiday inay galaan Madaxdii Axsaabta Qaranka ee haysatay Codka Shacabka, halka maalmo ka hor aynu ogayn sida loogu soo dhoweeyey Wasiir ka soo degay oo aysan jirin Cid dooratay oon Siilaanyo ahayn. Maxay tahay macnaha ka dambeeya in Jamaal Ali-na loo diido gelida Airportka, boqolaal qof oo Wasiir Xirsi soo dhoweynayana loo ogolaado inay siday doonaan u dhexqaadaan Airportka. Faragelinta baahsan ee xukuumada Siilaanyo ku hayso Golihii wadanka ugu sareysay ee xeer-dejinta “Baarlamaanka” oo ay doonayso inay ka qaado awooda kana dhigto Gole wasaaradaheeda ka mid ah, si la mi ah sida ay u yeelatay hogaankii Golaha Guurtida oon ka warqabno waxa uu mashquulka ku yahay xiligan.

Astaamahaasi waxay bulshada tusinayaan in ay qaangaadh noqotay Dictator-nimada Xukuumada talada haysa oon waxba ka xishoonayn, Xeerinayn kuna dhiiranaysa waxkasta oo ay doonto, iyadoo u isticmaalaysa Awood, Hayb, Handadaad, Dhaqaale, iyo Xil. Waxaan fili inaynu Bisayl u leenahay qaabka looga hortago loona xakameeyo Xukuumadaha Sifooyinkan la yimaada oo aynu filayno in la soo gaadhay xiligii aynu iska leexin lahayn. Kan maanta sidan ku taageerayaa garankari maayo waxuu u soo halgamayey.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com
London