Xukuumadda Siilaanyo Oo Bartii Kantaroolka Ee Airport-ka U Soo Rartay Ambasadoor Agtiisa Iyo Dadweynihii Dhoofayay Oo Halkaas Ka Lugeeyay

image

Xukuumadda Siilaanyo Oo Bartii Kantaroolka Ee Airport-ka U Soo Rartay Ambasadoor Agtiisa Iyo Dadweynihii Dhoofayay Oo Halkaas Ka Lugeeyay

 

 

Xukuumada Somaliland ayaa saaka dadweynihii ka dhoofayay garoonka diyaarada Magaalada Hargeysa  ee Cigaal international ka horjoogsatay inay gaadiidkooda ku dhaafaan barta kantaroolka ee u dhaw hotelka Abassador ka dib markii ay boqolaal ciidanka sida gaarka ah u tababar ee loo yaqaano RRU-da iyo ciidanka Booliska soo dhoobtay jidka isku xidhan hotel Star iyo kadinka garoonka diyaarada kuwaas oo argagax iyo yaab ku riday dadweynihii isakaga gudbaayay jidkaas.

 

Ciidanka RRU-da iyo Boolisk oo is kaashanaya ayaa dadka halkaas u kalahayay inay ka dhoofaan garoonka baabuurtii ay wateen intay ka soo dejinyaan ku baadhayay bartaas kantaroolka iyaga oo amar ku siiyay inay u lugeeyaan garoonta halkaas oo qabow badani ka jiray saaka, sidoo kale dadkaasi waxay cabasho ka muujiyeen culayska shandadihii ay siteen iyo caruurtii ay wateen oo ku keentay culaysay iyo qaar ka mid ah caruurtaas oo aan u lugayn karayn goobtaas, taas oo dadkii xanibaad iyo shaki cabsi oo nabad gelyo ah ku abuurtay.

Xalay niskii dambe ayay ahayd markii Xukuumada Somaaliland soo dhoobtay ciidan badan afaafka hore ee garoonka iyaga oo ka shaki qabay in baaxada dadweynaha u diraar garoobayay soo dhowaynta Guddoomiyaha Xisbiga Muraacidka ah ee WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo malmahan la soo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka debediisa taas oo taageerayaashii soo dhawayn lahaa lagu horjoogsaday goobahaas.

Talaabadan ay qaaday xukuumada Siilaanyo ayaa waxay ku qarinaysaa dayaca iyo kala daadsanaanta ka jirta xukunka ay hayaan taas oo filashadii laga sugaayay ee waxqabadka ahaa uu meesha ka baxay, taas u muuqata mid ay ku weecinayaan  indhaha dadweynaha ee daalacanaya tabcaanimada Xukuumada.

SM/Hargaysa