XUKUUMADII SIILAANYO MA INAY WAX MAQASHO AYAY BILOWDAY. “Afhayeenka Xisbiga Waddani UK”

XUKUUMADII SIILAANYO MA INAY WAX MAQASHO AYAY BILOWDAY. “Afhayeenka Xisbiga Waddani UK”.

”HABDHAQANKII AYNU KA SOO CARARNAY ASTAAMIHIISII AYAA KA MUUQDA XUKUUMADAN KULMIYE.”AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI UK..MUDANE QAASIM

Sidaan ka warqabno Jar-iska xoornimo, Wadatashi la’aan iyo Dhegaha oo la xidho ayay caan ku noqotay Xukuumadan Siilaanyo mudadii koobnayd ee ay jirtay. Dhawaaq badan oo kaga imanayey Goloyaasha Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo Il-dheer garadka Waddanka oo dhamaantood salka ku hayey Dan Qaran iyo Wax inoo saxa ayaysan xukuumadani Dheg Jalaq U Siin. Arimaha Xukuumadani ka dhego-adaygaysay waxaan ka xusi karaa:
1) Arimaha Siyaasadeena Dibada iyo halka wax inoo marayaan oo Dhalo madow xukuumadani ku riday.
2) Arimaha Siyaasadeenii Gudaha oon ka warqabno in qaybo ka mid ah Waddankii la qabsaday.
3) Arimaha Garoonka Diyaaradaha Hargeysa oo noqday meel lama taabtaan ah.
3) Arimihii Baadhista Shidaalka iyo Khayraadka kale ee Waddanka oon Sharci lagu maamulo loo hayn.
4) Arimaha Warbaahintii Qaranka oo Hantidii Qaranka inay ugu shaqayso loogu dhiibay Madaxtooyadii ula galay, Qofkii ka hadlana Cay dariiqyada ula taagan. Iyo waxyaalo kale oo badan.

Xisbi ahaan WADDANI oo ku soo Caano-maalay Talo-Wadaag, Dhegaysashada Shacabkiisa iyo Tixgelinta Cabashooyinkoodaba, arimahani waxay noogu muuqdeen khaladaad baahsan oo xukuumadani gacanta kula jirto, waxaanuna dhawaaq hoose iyo mid dheerba u nidhi waar arimahan sida ha laga daayo. Waxaa run ahaan ah wax lagu farxo ah in Xukuumadan Siilaanyo bilowday dhegaysiga qaybo ka mida dhawaaqayagii, taasoon ka xusi karo dhawaaqan ka soo yeedhay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta S/land, Xuseen Cabdi Ducaale oo cadeeyey inuu ka shaqayn doono sidii Sharci loogu samayn lahaa ku saabsan arimaha Khayraadka Waddanka Baadhitaankooda iyo ka Faa’idaysigoodaba.

Wasiir waa talaabo geesinimo ah, waxba kaagama lumayaan dhegaysiga Axsaabta Siyaasadeed iyo Shacabkaba balse waxbaa inoogu saxmaya; Maantaadna ka waxqabad iyo sumcad wanaagsan tahay shalay. Waxaan intaa ku daraynaa Xisbi waa in Dejinta Xeer-Sharciyeedkan loo xil saaro Khubaro reer S/land ah oo aqoonteeda leh, way jiraan waana la helayaaye’, halka aad ka tidhi Khubaro Shisheeye oo reer Norway ah ayaa Sharcigan noo samaynaysa Xisbi ahaan waanu kaaga aragti duwanahay “Biyo Sacabadaada looga Dhergaa”, Waxaanuna talo kuugu soo jeedinaynaa inaad ka fiirsato arintaas ood ka noqoto. Waxaa kaloo muhiim ah in Xubno Goloyaasha Qaranka ahi kala shaqeeyaan Xukuumada arimahan sida aadba ka dhawaajisay. Si taas la mid ah waa in xubno Axsaabta Qaranka ka tirsani ka qayb-qaataan Dejinta Xeerkan oon wax isla saxnaa, “Gacmo Wadajir Bay Wax Ku Gooyaan”.

Wasaaradaha iyo Qaybaha kale ee Xukuumadana waxaanu u soo jeedinaynaa inay banaanka uga soo baxaan Qafaskan ay isku oodeen oo ku daydaan talaabooyinkan yididiilada leh ee Wasiir Hussein Du’ale ku talaabsaday. Wadajirkeena, Wadashaqaynteena iyo Ismaqalkeena waxaan shaki ku jirin inaynu ku Liibaani doono.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com
London.