Xuseen Xirsi Caamir waxaan odhan lahaa madaxweyneheena iyo dawllada halooga duceeyo masaajidadii laga habaari jirey Riyaale iyo dawladiisii‏‎

  BISMILLAAHI     RAXMAANI      RAXIIM   
                ASSALLAAMU CALEYKUM WARRAXMA TULLAAH
maqaal

Ka dibsallaantaa isllamka waxaan doonayaa in aan halkan ka sallamo dhamaanba warbaahinta madaxa banana ee xorta ah kuna soo baxda afka soomaaliga  intaa waxa iisoo raaca waxaan manta doonayaa in aan la hadlo Qayb mihiim ah oo ka mid ah ummadda reer Somaliland oo aan ku abtirsado sideedba haybtu waa wax jira rabigeenna inoo jideeyey oo uu kitaabkeena Qur,aanka ah inoogu sheegay hadaan loo adeegsanaynin sixun oo cunsuriyad iyo  midab kala sooc iyo cudur ku jirona waa waxa jira qabiilka iyo qaraabadu oo dee rasuulnkeenii suubanaa CSW  ayaaba la faray in uu dadka qaraabadiisa ah naarta rabi uga digo.

hadaba hadaan u dhaadhco mucda Qoraalkan gaaban ee aan manta doonayo in aan soo gudbiyo hadii aynu nahay beesha la yidhaahdo reer sheikh isaxaaq amaba hadaan si kale u dhigo  beesha isaaqa ee illaahay ku abuuray dhulkan JSL waxa jirta in aynu  nahay ummad qabyaalad badan oo cunsuriyiin ah ama ha noqoto gudeheeda ama ha noqoto sida ay ula dhaqmaso dadka iyo shucuubta wddankan kula nool e

 

 qof ama qoys ama beel ama ummadina hadii aanay marka hore iyadu isa sixin oo runta isu sheegin dee cid kale waxba kama sheegi karto waana waxa keenaya isasixid la,aantu wada shaqayn la,aanta iyo dawllad xumaanta iyo kala danbayn la,aanta iyo eexda Qaraabo kiilka masuuliyad la,aanta is qab qabsiga iyo wixii xumaani leedahay oo dhan qofna illaa uu naftiisa iyo aqalkiisa ka bilaabo oo hagaajiyo ummad dhan mana hagaajin karo waxna kama sheegi karo,

Hadaba beryahan waxa aad u batay oo soo if baxay khilafaad iyo is qab qabsi aad u tiro badan oo u dhexeeya xukuumadii aynu doorannay iyo dadkii doortay intooda badan amaba hadaynu si kale u eegno xukuumadii  iyo asxaabtii ka wakiilka ahayd dadweynaha ee sida xukuumaduba ugu timi codka dadka ku yimi iyaguna codka dadka  

 

hadaba waxaan xasuustaa xilligii ay xusbiyada kulmiy iyo ucid mucaaridka ahaayeen ee eynu dooneyney in la beddello xukuumadii UDUB ee aynu u heellanayn in uu madaxweyne siillaanyo maruun xukunka qabto ayaa waxa caado ahayd oo aad u soo shaacbaxaday tartankii ugu danbeeyey ee madaxnimada uu ku helay madaxwene siilaanyo intii lagu gudo jirey in masaajidada dalka  looga ducan jirey siillaanyo oo qunuud aan kalla joogsi lahayn aad ku arki jirtey iyadoo laga habaarayo xukuummadii  UDUB taasuna ma ay ahayn in xukuumaddad UDUB la habaarayey ee waxaa la habaaraayey madaxwenehii xukunka hayey daahir riyaale kaahin oo lalahaa illaahayoow naga hor qaad IASAAQ MAAHA E 

 

laakiin marnaba lama odhanin illaahayoow wax dhaama noogu bedel

Haddaba maanta waxaan odhan lahaa culimadda SL ee berigaa habaari jirtey daahir riyaale maantana waxa loo baahanyahay  habaari maynee in loo duceeyo  in illaahay xaqa ku hagaajiyo madaxweynehii aynu dooranay iyo dawlladii uu dhisay  oo uu mariyo wadada u wanaagsan diinta dalka iyo dadkaba iyana ay kaga nabad gelayaan cadaabta rabigeen ku abaal marinayo suldaan aan caadil ahayn iyo dawlad dhan oo dhaartii ay ku dhaaratay been  ka sheegtay

inacaamir ABU MAXAMED Hussain