Yaa ka mas’uul ah Dagaalka Lambar 50?

xaaf-150x150

Dadka Deegaanka Gobolka Sh/Hoose ayaa iska-difaacay ciidamo loo soo geliyay Tuuto oo laga dhigay inay yihiin Ciidan Dawladeed,waxaana ciidankan horkacayay Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaf oo doonaya inuu dib u qabsado Garoonka No-50 oo gacantiisa ay ka baxday xiligii Xukuumadii Marxuum M/weyne C/laahi Yuusuf oo Garoonka No-50 kala wareegtay Maleeshiyaadka Xildhibaan-Xaaf oo gacanta ku hayay 1991dii ilaa iyo 2005-tii

Dagaalkan ayaa waxaa ku gacansara-maray Dadka Deegaanka,iyadoo ay geeriyoodeen 20-Ruux oo isugu jiro Ciidankii Xildhibaankii Xaaf ee tuutaha Dawladda federaalka loo soo geliyay ee fashilmay in lagu qabsado Garoonka No-50 oo macmal ah Jaadkana uu ka soo degi-jiray,iyadoo Xildhibaan Xaaf muddo 14-sanno ah uu Garoonkaas canshuur ka qaadi-jiray dadka Qaadka ka baayacmushtara.

Dhinaca kale dagaal kale ayaa isagana ka qarxay Degmadda Janaalle oo iyagana u dhexeeya Ciidamo sheeganaya inay yihiin Ciidanka Dawladda federaalka oo iyagana raacsan Xildhibaan-Xaaf oo ciidankii uu watay looga adkaatay dagaalkii No-50,dibna uga baxay deegaamadii ay ku soo duuleen

Xafiiska Shacabkamedia ee Marka ayaa xog ku helay in Xildhibaan-Xaaf iyo ciidankii uu watay ay hadda ku hoyanayaan Deegaanka Muuri,halka goobtii lagu dagaalamay ee No-50 ay gacanta si buuxda ugu hayaan dadka deegaanka Sh/Hoose oo wacad ku maray inay deegaanadooda aan dib dambe loogu gumeysan-doonin,mardambana aysan dhici doonin in Xildhibaan Xaaf uu dib u qabsado Garoonka No-50,doonayana si xeeladaysan inuu u qabsado Garoonka No-50,isagoo huwan magaca Ciidamadda Dawladda Federaalka

Waxaa xusid mudan Soomaalidda waxay ku maah-maahaan ((Dawaco meeshay macal i daad uga barato bay macluul ugu dhimataa) waxaan uga dan-leenahay Xildhibaan-Xaaf wuxuu is-lahaa 22-sanno kadib Shacabka Sh/Hoose ee uu baada ka qaadanayay tabar malaha ay isku difaacaan,laakiin jabkii ka raacday dagaalkii No-50 ayaa cadaynaya in Dadka deegaanka ay hurdada ka kaceen Qarnigan 21-aad ee lagu jirana aysan diyaar u aheyn in la gumeysto,waxayna u diyaar garoobeen inay heeyradii saarneyd 22-sanno kadib inay iska dul-qaadaan.

Salaanmedia/Mogdisho

Xigasho Shacabkamedia