Yaa xaq u leh isku shaandhaynta xeer hoosaadka Golaha wakiilada Jamuuriyada smland?

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan iyo akhristayaasha sharafta mudan.

MAQAAL

Yaa xaq u leh isku shaandhaynta xeer hoosaadka Golaha wakiilada Jamuuriyada smland?

Waxa maal mahan taagnaa muran xoogan oo ku saabsan isku shaandhayntii  gudi hoosaadyada golaha wakiilada ee ay dhawaan ku dhawaaqeen shirgudoonka goluhu.

Muran kaas oo aloosmay kadib markii gudi kastaaba ay si dimoqoraadiya ugu codaysay gudoomiya-heeda.

Waxa khilaafku sigaara udaaranaa laba gudihoosaad oo muhiin ah.Kuwaas oo kala ah gudida joogtada ah ee golaha wakiilada oo uu ku guulaystay xil. Ibraahim mahdi buubaa.Iyo gudida arimaha gudaha oo uu ku guulaystay xil. Ibraahim Jamac Cali (Rayte).

Hadaba markay arintu sidaa tahay aan idiin soo saafo dulucda maqaalkan oo ah, yuu xeer hoosaadku xaq u siinayaa isku shaandhaynta gudidaas aan kor ku xusay.

Waxa xaq distooriya u leh soojeedintiisa gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ga’aankana waxa xaq u leh xildhibaanada wakiilada golaha.Marka labadaasi dhacaan-na. Majoojin karo, mana diidi karo, mana is hortaagi karo, gudoomiye kuxigeenka golaha wakiiladu.

Hadaba waxa nasiib daro ah in markii doorashadii u dhacday si dimoqoraadiya ee ay  natiijooyin wax ku oolihi u soo baxeen xusbiga mucaaridka ah ee wadani. Inay u cuntami wayday xukuumada hada taladahaysa. Kuraasidaa muhiim ah ee uu xisbiga mucaaridka ahi ku guulaystay. Isla markaana ay si qaawan u diido nadaamkii axsaabta badan ee distooriga ahaa sida dooda qaran ee ay ku baaqeen labada xusbi mucaarid ucid iyo wadani. 

Sida la wada ogyahayna ay soo martay mucaarid mudo dheer awood sare ku lahaa golaha wakiilada, haday tahay gudi-hoosaadyada iyo haday tahay shirgudoonkaba. Maantana ay indhaha iyo caqligaba ay sitoosa isaga ridayso si ay dalka qalalaase uga rido, halkii ay iyadu dhawri la hayd nabada iyo shuruucda uu ku soo caana maalay qarankan yar ee weli curdinka ahi. 

Gabagabadii waxa cadaan ah in xukuumadu u adeegsanayso hantidii ummada danyarta ah iyo cidkasta oo u dhega nugulba baabiinta iyo cago juglayn iyo cabudhinba dimoqoraadiyada iyo xoriyadtul qawlka una dhaqanto sidii digtaatoorkii Maxamed Siyaad Bare.

Waabilaahi tawfiiq
By:Xaaji Caydiid X Cali.